4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2013
Maxkamadda Ciidmada Qalabka sida oo xukun dil ah ku ridday qof la sheegay inuu dilay Wariye Xasan Yuusuf Absuge

Khamiis, Maarso 28, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku ridday, Aadan Sheekh Cabdi Sheekh Xuseen oo la sheegay in lagu helay inuu sannadkii hore ku dilay Muqdisho wariye Xasan Yuusuf Absuge oo ka tirsanaa Idaacada Maanta.

Garsoore Cabdullaahi Maxamed Muuse (Keyse) ayaa sheegay  in dhageysiga dacwadaha loo haystay labadan wiil uu ahaa dil ay u geysteen Wariye Xasan Yuusuf Absuge, balse mid ka mid ah ay maxkamaddu ku weyday dambigii loo haystay.

“Markii maxkamadda ciidamadu ay dhageysatay dacwaddii loo haystay Aadan Sheekh Cabdi Sheekh Xuseen iyo Cabdi Xasan Dhuxuloow oo lagu eedeeyay inay dileen Wariye Absuge; balse waxaa dambiga lagu helay Aadn Sheekh Cabdi, waxayna maxkamaddu ku xukuntay dil toogsho,” ayuu yiri Keyse.

Sidoo kale, garsooraha ayaa ku amray in xabsiga laga sii daayo Cabdi Xasan Dhuxuloow Faarax oo isaguna loo haystay inuu qayb ka qaatay dilka wariye Absuge, balse lagu waayay wax cadeen ah oo dambigaas la xiriirta.

Gacan-ku-dhiiglaha maanta la xukumay ayaa wuxuu 21-kii September 2012 wuxuu degmada Yaaqshiid ku toogtay wariye Absuge isagoo shaqo kasoo baxay kuna socday gurigiis.

Xukunkan ayaa noqonayaa kii ugu horreeyay oo lagu rido ruux lagu eedeeyay inuu ku dilay Muqdisho wariye, waxaana tallaabadan soo dhaweeyay ururrada u dooda xuquuqda saxaafadda caalamka iyo kuwa gudaha oo ay ka mid tahay NUSOJ.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya