4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2013
Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo dawo ugu deeqay Isbitaalka Baladweyne iyo dadkii uu soo ritay Shuban-biyoodka (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 28, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka goballka Hiiraan, saraakiisha sar sare ee ciidamad Jabuuti oo uu ka mid yahay abaanduulaha guud ee ciidamada AMISOM Jen Cismaan Subaglle, waxgarad iyo odayaal dhaqmeed ayaa maanta ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne diyaarad siday dawo uu ku deeqay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Col Cismaan Dubad Sugulle oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ee magaalada Baladweyne oo la socday diyaaradaha oo si toos ah uga soo duushay dalka Jabuuti ayaa u sheegay warbaahinta in deeqdan dawada ah oo dhan 10tn sida uu sheegay uu soo dhiibay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

“Kaddib markii uu maqlay in cudurka shuba-biyoodka uu ka dilaacay magaalada Baladweyne, sidoo kalana dawo la’aan ay ka jirto isbitaalka guud ee magaalada, ayuu gartan madaxweynaha in uu dawadan ku deeqo dadka xanuusanaya iyo isbitaalka magaalada Baladweyne,’’ ayuu yiri Col Cismaan Dubad Sugulle.

Waxaa uu intaa ku darray in uu siweyn uga war qabo madaxweynaha xaalada guud ee magaalada, gaar ahaan dhibaatada caafimaad xumo ee soo food saartay caruurta iyo dadka waayeelka ah, taasoo keentay in markii ugu horeysay madaxweynaha uu ku deeqo dawo loogu talagalay in lagula tacaalo bukaanka.

Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan oo gudoomay deeqda ka timid madaxweynaha Jabuuti ayaa siweyn uga mahad celiyay gargaarka la soo gaarsiiyay, gaar ahaan waxaa ay sheegeen in ay siweyn ugu faraxsan yihiin in ay gudoomaan dawo uga timid Madaxweyne  Ismaaciil Cumar Geelle.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgarada magaalada ayaa dhinacooda sheegay in dawadan ay noqoneyso tii ugu badneyd ee soo gaartay magaalada wax weynna ka tari doonto xaalada caafimaad xumo ee la soo darristay dadka uu soo ritay cudurka shubanka.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa jiray gurmad kala duwan oo loo fidinayay dadka bukaanka ee  ku jira xarumaha caafimaadka laga hergaliyay dulleedka magaalada Baladweyne kuwaa oo tiradoodu ay sii korartay labadii cisho ee u danbeysay.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya