4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2013
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta socdaal ku tagay Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe

Arbaco, Maarso 27, 2013 (HOL) — illaa laabtan xidhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, iyagoo kulammo la qaatay maamulka gobolka iyo kan degmada.

Xildhibaannadan ayaa wuxuu socdaalkoodu salka ku hayaa sidii ay ugu kuur-geli lahaayeen xaaladaha ammaanka, caafimaad iyo waxbarashada degmada Jowhar oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Al-shabaab dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha degmada Jowhar, Yuusuf Cali Cabdulle oo saxaafadda kula hadlay Jowhar ay markii ay xildhibaannadan gaareen ayaa sheegay inay si aad ah u soo dhaweynayaan in mudanayaasha gobolka ay Jowhar markii ugu horrreysay iyagoo tiradoodu intaan tahay ay soo gaaraan.

“Mudanayaashan waxay soo mareen dhulka, waxaana maamulka iyo dadka deegaanku ay uga hortageen duleedka magaalada,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Jowhar oo sheegay inay kulammo la billaabeen markiiba xubnaha maamulka degmada iyo kan gobolka.

Waxay xildhibaannadan ku sugnaan doonaan degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe maalmo dhowr, iyagoo kulammo la qaadan doona wax-garadka iyo shacabka degmada Jowhar, iyagoo kala hadli doona maamulka iyo ammaanka.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay iyadoo wafdigan uu noqonayo xildhibaannadii ugu tirade badnaa oo safar dhinaca dhulka ah ku taga deegaan 90-km u jira degmada Jowhar tan iyo markii Al-shabaab laga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Degmada Jowhar oo dhinaca waqooyi ka jirta Muqdisho ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ciidmada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen xoogagga Al-shabaab dhammaadkii sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya