4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2013
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Maanta Kormeeray Xerooyin Ciidan oo ku yaalla Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa galabta booqday xerooyin ciidan oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana kormeerkiisan ku wehliyay sarkaalka ugu sareeya ciidammada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM iyo saraakiisha ugu sarreysa ciidammada Xoogga dalka ee Kismaayo ku sugan.

Wasirka ayaa ugu horreyntii booqday xaruntii ciidamada Shiirkolo oo haatan saldhig u ah ciidamada xoogga, gaar ahaana qaybta labaad, waxaana halkaa uu kula kulmay saraakiisha ugu sarreysa ciidamada iyagoo uga warbixiyay xaaladaha nololeed ee ciidanka, waxayna si gaar ah uga warrameen dayactir lagu sameeyay qeybo ka mid ah xaruntan.

C/xakiin Fiqi ayaa kormeeray ceelal dhawaan laga qoday xerada iyo dhismayaal si KMG ah loogu diyaariyay inay ku shaqeeyaan ciidamada, isagoo sidoo kale  kormeer ku tagay madaxtooyadii hore ee Kismaayo; halkaasoo iyadana ay ku sugan yihiin ciidammo ka tirsan kuwa maamulka Raas-kaambooni.

Sidoo kale, wasiirka oo markii uu soo gabagabeeyay kormeerka la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in kulammo kala duwan uu la qaatay saraakiil ciidamada dowladda ka tirsan oo ku sugan Kismaayo iyo kuwa ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM, wuxuuna xusay inay kawada hadleen arrimo khuseeya amniga iyo iskaashiga ciidamada labada dhinac, wuxuuna xaqiijiyay in dhawaan uu magaalada Muqdisho soo booqan doono sarkaalka ugu sarreeya ee ciidamada Kenya.

Ugu dambeyn, wasiirka gaashaandhigga ayaa ammaanay ciidamada kala duwan ee ka howlgala magaalada Kismaayo iyo qaybaha kale ee gobolka, wuxuuna si gaar ah ugu bogaadiyay kaalintii ay ka qaateen dagaalkii looga saaray Al-shabaab gobolka Jubbada Hoose. isagoo u ballan-qaaday in la qarameyn doono kuwa aan weli la qarameyn, isla markaana loo billaabi doono si deg-deg ah mushaaraadkooda iyo xaquuqdooda kale ee ciidan ay u heli lahaayeen. maadaama buu yiri laga qaaday dowladda Soomaaliya xayiraadii hubka ee saarnayd.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa wuxuu qayb ka ahaa wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Kismaayo, kuwaasoo hordhac u ahaa booqasho uu ra’iisul wasaare Cabdi Saacid ku tegi doono magaaladaas maalmaha soo socda.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya