4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2013
Madaxweynaha Somalia oo Ciidamada Dowladda ka Dalbaday in ay Xoojiyaan Ammaanka Caasimadda Soomaaliya (SAWIRRO)


Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay wasaaradda gaashaandhigga iyo xerada Villa Baydhabo isagoo halkaas kula hadlay ciidammo kulanana la qaatay saraakiisha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka.

Wasaaradda gaashaandhigga ayuu kula kulmay in ka badan 500 askari oo dhawaan tababar kusoo qaatay dalka Uganda, isagoo kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii ammaanka caasimadda loo xoojin lahaa, sidoo kalena ay uga qaybqaadan lahaayeen dagaallada lagula jiro Al-shabaab.

“Waxaa la idinka doonayaa inaad qayb libaax ka qaadataan dagaalka lagula jiro Al-shabaab, idinkoo kaashanaya ciidamada Midowga Afrika,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo ciidamadan ka dalbaday inay ogaadaan in sababtii loosoo tababaray ay ahayd inay xasilinta dalka qayb ka qaataan.

Ciidamadii uu madaxweynaha la hadlay ayaa soo bandhigay gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayeen tababarkii ay soo qaateen, taasoo madaxweynaha uu aad ugu maqsuuday, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii nabadda.

Intaas kaddib madaxweynuhu wuxuu socod ku maray jidka soddonka iyo tarabuunka, isagoo halkaas indho-indheyn ku sameeyay, wuxuuna tagay xerada Villa Baydhabo, halkasoo uu kula kulmay saraakiisha ciidamada xoogga dalka, isagoo ku boorriyay inay qayb ka qaataan xasilinta dalka, gaar ahaan Muqdisho.

“Waxaa jira askar tiro yar oo dhibaatooyin ku haya shacabka, una geysta boob, kufsi iyo dhibaatooyin kale, saraakiisha waxaa looga baahan yahay inay ka hortagaan askartaas,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo sheegay in loo baahan yahay in la ogaado haddii askarigu xun yahay in sarkaalkuna uu xun yahay.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in ammaanka caasimadda ay xoogga saarayaan, wuxuuna xusay in laga hortagayo kuwa nabadda kasoo horjeeda ee doonaya inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya