4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2013
Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo u Ambabaxay Kismaayo iyo Bandow la saaray Magaaladaas


Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Wasiirro iyo xildhibaanno xukuumadda ka tirsan ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose halkaasoo la filayo inuu ka furmo shirka maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka, iyadoo la adkeeyay ammaanka guud ee Kismaayo.

Wasiirrada baxay ayaa waxaa ka mid ah wasiirka gaashaandhigga, wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka iyo xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka, waxaan qaarkood ay warbaahinta u sheegeen inay golgol xaar u yihiin wafdi uu ra’iislu wasaaruhu hoggaaminayo oo lagu wado inay berri u ambabaxaan Kismaayo.

“Socdaalkeennu wuxuu salka ku hayaa maamul u sameynta Jubbooyinka oo muran uu ka taagnaa, waxaana furi doona shirkaas ra’iisul wasaaraha, balse weli ma cadda in maamulkaas uu noqon doono KMG ah iyo inuu rasmi noqon doono,” ayuu yiri Xuseen Bantuu oo ka mid ah xildhibaannadii u dhoofay Kismaayo oo warbaahinta si kooban ula hadlay isagoo ku sugnaa garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wariyaha HOL ee Kismaayo, Xasan Nuur Maxamed ayaa soo sheegaya in la xiray goobihii ganacsiga laguna soo rogay bandow magaladaas, isagoo sidoo kale sheegay in ciidammo badan la dhoobay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada.

“Ganacsiga waa xiran yahay, gaadiidka hakad ayaa la geliyay, dadkuna si aan badnayn ayay magaalada ku dhexmarayaan,” ayuu yiri Xasan Nuur oo kusii jeeday garoonka diyaaradaha Kismaayo halkaasoo ay ka dagayaan wafdiga wasiirrada ah ee ka socda dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, wafdiga la filayo inay maanta gaaraan Ksmaayo ayaa waxaa ka mid ah ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke iyo Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo iyagana ka imaanaya dhinaca magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Magaalada Kismaayo oo 500-km dhinaca Koonfureed kaga jirta magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa tan iyo bishii Oktoobar gacanta ku hayay ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa raaskambooni iyo ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM, kaddib markii ay kala wareegeen Al-shabaab oo shan sano ka talinaysay.

Sidoo kale, wararka laga helayo Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in xubno ka tirsan maamulka KMG ah ee Kismaayo uu ka mid yahay Sheekh Axmed Madoobe ay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha si ay u soo dhaweeyaan wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya.

Maalintii shalay ayay ahayd markii Sheekh Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ay dib ugu laabteen Kismaayo, kaddib tododbaadyo ay ku sugnaayeen dalka Kenya, isagoo sheegay in shirka maamul u sameynta Jubbooyinka uu furmi doono uu rajeynayo inuu noqdo mid faa’iido laga gaaro.

Wafdiga ayaa waxaa la socday ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo la sheegay inay sugi doonaan ammaanka wafdiga dowladda inta ay ku sugan yihiin Kismaayo, waxaana wafdigan qaaday diyaarado ay leedahay Qaramada Midoobay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya