4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2013
Roobab Mahigaan ah oo ka da'ay Deegaanno Gobolka Sool ka tirsan iyo kuwo kale oo ku Dhow-dhow (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 23, 2013 (HOL) — Roobab mahiigaan ah ayaa maanta ka da'ay degaanno badan oo ka tirsan gobolka Sool iyo degaanno ku dhow-dhow oo ay ka mid tahay magaalada Buuhoodle iyo kuwo kale oo hoos yimaada deegaanka Cayn oo ay dhibaato biyo iyo la'aan ahi ay ka jirtay kaddib markii laba xili roobaad ay baaqdeen.

Roobabkan ayaa maasheeyay degaanno baaxad leh oo Koonfurta degmada Laascaanood oo ay ka mid yihiin: Qabri-bayax, Dan, Karin-dabayl-weyn, halka dhinaca galbeedna maanta hoglo xooggani maasheeyeen deegaanada Xidh-xidh, Dharkeyn, Laasa-daar, Yeyle iyo qaar kal oo badan, sida uu noo sheegay, Maxamuud Warsame Cali oo soo maray deegaannadaas kuna sugan magaalada Laascaanood.

Roobka guga oo ah sida ay sheegayaan waayeel badan mid aan horay looga baran deegaannadan inuu ka bilaabmo xiligan ayaa haddana ah mid leh mug iyo iyo miisaan ay reer guuragu ku tilmaameen; iyadoo biya-qabadyada intooda badan uu roobkani buuxiyay ayaa waxaa jira deegaanno aan illaa hadda biyo roob arag oo u badan degmooyinka Xuddun iyo Taleex.

Dhinaca kale, degmada Buuhoodle ayay roobabkan buuxiyeen balliyadda iyo Baraagaha dhulka hawdka ah ee oomanaha u badan ku yaalla, sida uu HOL u sheegy, Maxamed Yuusuf Xirsi oo ku sugan magaalada Xamar-lagu-xidh oo ku dhawaad 30-km bari kaga beegan magaalada Buuhoodle.

Roobabkan oo aan wax qasaare ah aan illaa hadda geysan marka laga reebo xoolo dhibicda roob waxyeello gaarsiisay habeenimadii xalay deegaanno ku badan, taasoo ay sababtay xoolaha oo aan tamar ay isaga celiyaan roobka lahayn, waxaana la saadaalinayaa inay sidaan kusii socdaan.

Dadweynaha degaannadaas ku nool ayaa si aad ah u hadal-haya raxmaadka Rabbi iyo dhibaatooyinka weli raadkoodii sii muuqdaan oo laba maalmood ka hor qayla-dhaantii u dambaysay ay ka taagnayd walow weli dhibkii sii daba leeyahay haddana waxaa la qiyaasayaa in 70% laga gudbay.   





Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool