4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2013
Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Somaliland oo yeeshay kulan lagu Eegay Mashaariicdii Sannadkii hore iyo kan soo socda

Talaado, Maarso 19, 2013 (HOL) — Kulan lagu gorfeynayey mashaariicdii horumarineed ee ay hay’adaha Qaramadda midoobay ka fuliyeen Somaliland sanadkii tagay ayaa maanta ka furmay hoteel Ambassador ee magaaladda Hargeysa.

Kulan oo socon doonna hal maalin ayaa loogu tallogalay in lagu eego mashaariicdii waxqabad ee ay fuliyeen hay’adahaasi, gaar ahaan hay’adda UNDP, kuwaas oo ay si wada jir ah u filiyeen xukuumadda iyo hay’adaasi, waxaana kulankaasi ka soo qaybgalay gudoomiyaha maxkamadda Sare, wasiiradda, Cadaaladda, Xananaadda xoolaha, Beeraha, qorsheynta qaranka, Maaliyadda, hawlaha guud iyo taliyaha booliska.

Sidoo kale waxa lagu qiimaynayey mashaariicda la doonayo in laga fuliyo sanadkan 2013 ka qaabkii ugu haboonaa ee looga faa’iidaysan karo iyo nidaamkii ay hay’aduhu iyo xukuumadda uga wada shaqayn lahaayeen.

Wasiiradan iyo madaxda ka socota hay’ada UNDP ayaa si wada jir ah isla qiimeeyey qaabkii loo maamulay mashaariicdaasi iyo waxyaalihii laga faa’iiday iyo mashaariicda soo socda ee sanadkan la qabanayo meelaha baahiyaha ugu badan ka jiraan iyo sidii wasaarad waliba u qorshaysay mashaariicdaasi ay dalka ka wadaan hay’adaha Qaramadda midoobay ee ka shaqeeya xaga horumarka.

Dhinaca kale, madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md: C/raxmaan Saylici, ayaa furay kulan lagu soo bandhigayey 360 guri oo loo dhisayey qoysas danyar ah oo laga hirgaliyey xaafadda Ayax afar ee degmadda Axmed dhagax ee magaaladda Hargeysa.

Guryahan loo dhisayey qoysaskan danyarta ah waxa fulinayey hay’ada UN-HABITAT, iyadoo horana quryo badan ugu dhistay qoysaskaasi danyarta ah.

Wakiil ka socda hay’ada UN-HABITAT, ayaa sheegay inuu ku faraxsan mashruucan dadka danyarta ah guryo loogu dhisayo, waxaanu sheegay in guryahaasi ka kooban yihiin 360 guri.

Madaxweyne ku xigeekna Somaliland Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo kulankaasi soo xidhay ayaa u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay hirgalinta mashruucaasi lagu caawinay dadweynaha reer Somaliland ee danyarta ah ee guryo ay galaan loogu dhisayo, waxa kale oo uu xusay in si gaar ah dawladda Japan u mahadnaqayaan maadama oo ay maalgalisay mashruucan, isla markaana ay fulinayaan hay’ada UN-HABITAT.

Mashruucan qoysaska danyarta ah guryo loogu dhisayo maaha kii kowaad, waxaase jiray qoysas kale oo badan oo guryo loo dhisay, waxaanay mashruucaasi maalgaliyey dawladda jaban, isla markaana ay fulisay hay’addan UN-HABITAT.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland