4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2013
Sheekh Aadan Madoobe oo sheegay in Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay ku Wargeliyeen inay ka baxayaan Bay iyo Bakool

Talaado, Maarso 19, 2013 (HOL) — Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo horay u ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan gobolka Bay ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada Itoobiya ay ku wargeliyeen inay ka baxayaan dhammaan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada Bay iyo Bakool.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in saraakiishu ay u sheegeen in lagu wargeliyay inay ka baxayaan gobolladaas ayna amar buuxa ka sugayaan dowladdooda markaasna ay dhaqaaqi doonaan.

“Waxay noo sheegeen saraakiisha inuu ku dheeraaday waqtigii ay ugu talo-galeen inay joogaan gudaha Soomaaliya, sidaa daraadeedna ay sugayaan amar buuxa oo kaga baxaan deegaannadaas,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Xildhibaanka ayaa wuxuu hadalkiisa raaciyay in saraakiishu ay sheegeen in markii hore ay doonayeen inay ku wareejiyaan deegaannadan ciidamada dowladda, balse aysan u jeedin ciidammo ka tirsan dowladda oo la wareeri kara deegaannadan.

Ciidamada ka socda Itoobiya ayaa waxay soo galeen Soomaaliya sannadkii 2011 iyagoo gacan siinayay ciidamada dowladda inay deegaanno badan kala wareegaan Al-shabaab, iyagoo deegaannadii ay la wareegeen ay ka mid tahay degmada Baydhabo.

Hadalka Sheekh Aadan Madoobe ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ciidamada Itoobiya ay maalin ka hor isaga baxeen degmada Xudur ee gobolka Bakool halkaasoo ay dib ugu laabteen xoogaggii Al-shabaab oo muddo sannad ka hor ah dagaal looga saaray.

Mar uu xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ka hadlay sababihii keenay inay ciidamadii dowladda eek u suganaa Xudur iyaguna uga baxaan Xudur ayuu ku sheegay inay tahay hub la’aan, muddo dheerna ay dowladda ka sugayeen in hub lasoo gaarsiiyo.

Degmada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM inkastoo aysan weli kala wareegin ciidamada Itoobiya gacan ku haynta degmadaas, balse ciidamadii Jabuuti ee la geeyay Baladweyne ayaa is buuxda ugala wareegay ciidamadii Itoobiya gacan ku haynta degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya