4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2013
RA’IISUL WASAARE SAACID: “Ummaddu waxay doonaysaa in la dardar-geliyo Hirgalinta Nidaamka Federaaliga ah”


Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo maanta soo gaba-gabeeyay kormeer saddex maalmood qaatay oo uu kusoo maray maamul-goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa ku tilmaamay socdaalkiisa guul dhanka arrimaha gudaha iyo amniga laga gaaray.

“Safarka aanu kusoo kala bixinay gobollada dalka qaarkood iyo guulihii is-afgaradka lahaa ee aanu ka gaarnay waxay muujinayaan in shacabka Soomaaliyeed iyo madaxdooduba ay si buuxda ugu heellan yihiin sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Mudane Saacid ayaa socdaaladiisa gobollada ku tilmaamay kuwo muujinaya sida dawladdu diyaar ugu tahay inay shacabkeeda dhegeysato lana socoto xaaladahooda nololeed iyo dhaqan-dhaqaale.

“Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay dadkeeda dhegeysato, isla markaana ay u kuurgasho dhibaatooyinka haysta, rabitaankoodana ku shaqayso, xalkana halkaas ka raadiso,” ayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo intaas ku daray inay qorshaha ugu jirto in booqashooyinkan lasii wado oo dowladdu booqato dhammaan gobollada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in socdaalkiisii uu kusoo dhamaaday guul iyo is-afgarad dhan walba ah. Isagoo hadalkiisa raaciyay inay shacbiga iyo maamulladuba muujiyeen taageerada weyn ee ay u hayaan dawladda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in iskaashi buuxa oo dhan walba ah la yeesho.

“Ummaddu waxay doonaysaa in la dar-dar-galiyo hirgalinta nidaamka federaaliga ah, Iyadoo dastuurka lagu salaynayo. Waxayna soo dhaweeyeen cunno-qabatayntii la qaaday ee muddada dheer saarnayd Soomaaliya, iyagoo arka baahida loo qabo dhismaha ciidan qaran oo tayo leh,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu kaloo sheegay inuu jiro wal-wal laga qabo qiimo dhaca ku yimid doollarka iyo in dawladdu ka hawlgalayso sidii loo heli lahaa Shillin Somaali cusub. isagoo intaa ku daray in shacabku dalbadeen hab-canshuureed midaysan; ayna dawladdu dajisay sharciga jaangooyada cashuuraha dalka oo dhawaan lagu wado inuu dhaqan-galo.

“Wax badan baan uga qabanay saddex bilood balanqaadyadii dawladda, waxaana ballan-qaadaynaa inaan labo jibaari doonno dadaalka aan ugu jirno nabadda iyo horumarinta dalka,”  ayuu yiri hadalkiisa kusoo gabagabeeyya ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Socdaalka ra’iisul wasaaraha uu ku tagay Puntland iyo Galmudug ayaa wuxuu qayb ka yahay socdaallo uu dhawaanahan ku marayay gobollada dalka qaarkood, isagoo heshiisyo la galay Ahlusunna iyo Puntland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya