3/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2013
Madaxweyne Xigeenka Somaliland oo Kormeer ku Tagay Mashruuc Biyo Gelin ah oo ka socda Duleedka Hargeysa

Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ah ku simaha madaxweynaha Md:Cabdiraxmaa Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa maanta kormeer  ku tagay mashruuca biyo gelinta xaafaddo ka tirsan magaaladda Hargeysa  oo ka socda tuuladda Xaraf ee duleedka galbeed ee magaaladda Hargeysa.

Mashruucan biyo gelinta ayaa waxa si wada jir ah u hirgalinaya wakaaladda biyaha ee magaaladda Hargeysa, shirkadda wadaniga ah SPI, UNHCR iyo hay’ado kale oo caalimi ah, waxaana loogu talogalay in xaafadaha koonfur galbeed ee magaaladda Hargeysa loo galiyo biyo saafi ah, maadaama oo ay degan yihiin qoysas laga soo raray magaaladda dhexdeeda iyo qoysas ka soo noqday qaxootiga oo dhowaan halkaasi loo raray.

Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici ayaa cid kasta oo mashruucan gacan ka gaysatay uga mahadnaqay biyo galinta xaafadahaasi danyarta ah, waxaanu tilmaamay inay xaafadahan dagan yihiin dadka ugu jilicdasan magaaladda, kuwaas oo u baahan in la taageero oo wax lala qabto.

“Runtii aad baan ugu hambalyeynayaa hawshan biyo galinta xaafadahan oo ah mid muhiimad gaar ah leh, waana dadka ugu mudan ee u baahan in la caawiyo, maadaama oo xaafadahan degan yihiin qoysas barakacayaal ah”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Saylici oo ka hadlayey mashruucan biyo gelinta xaafadaha Ayax kow, Ayax laba iyo sheikh Cumar oo ay degan yihiin qoysas barakacayaal ah oo dhowaan la dajiyey.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka macdanta iyo biyaha, maareeyaha wakaaladda biyaha, Injineerka ceelashan qodayey, kuwaas oo dhamaantood ka hadlay hawshu siday u socoto iyo qaabka ay doonayaan inay xaafadahan usoo gaadhsiiyaan biyaha, iyagoo tilmaamay in ay doonayaan sidii xaafadahan uga haqabtiri lahaayeen Biyaha.

Intaas ka dib waxa uu madaxweyne ku xigeenku dhagax dhigay barkad weyn oo loogu kaydin doono biyaha xaafadahan biyaha loo galin doonno.

Ku simaha Madaxweynaha waxa ku wehelinayey kormeerkiisa wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur iyo wasiirka dhalinyaradda, Ciyahaa iyo dalxiiska Cali Raygal.

Sidoo kale, ku simaha madaxweynaha Md:C/raxmaan Saylici waxa uu shalay xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hogaaminayo agaasimaha guud ee hay’ada miinno saarka ee HALLO TRUST, waxaanu ku booriyey inay hawsha ay qaranka u hayaan sii libin laabaan, isagoo  uga mahadnaqay mudadii labaatanka sano ahayd ee ay dalka ka baadhayeen miinadda.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
3/12/2013 1:35 PM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo maanta soo gaba-gabeeyay kormeer saddex maalmood qaatay oo uu kusoo maray maamul-goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa ku tilmaamay socdaalkiisa guul dhanka arrimaha gudaha iyo amniga laga gaaray.

3/12/2013 1:10 PM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka Qaranka ee xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Saudi Arabia halkaasoo uu kaga qaybgalayo shirweynihii 30-aad ee wasiirrada arrimaha gudaha ee dalalka Carabta.

3/12/2013 12:49 PM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Shirweynaha Qaran ee xiriirka urrurada shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU oo saddexdii sannaba mar la qabto ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

3/12/2013 10:14 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) —Gudiga farsamada shirka maamul u sameynta Jubooyinka ayaa manta ka warbixiyay halka uu marayo shirka la doonayo in maamul loogu dhiso gobollada la isku yiraahdo Jubooyinka.

3/12/2013 9:14 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Dhibcihii u horreeyey ee roobabka Guga ayaa ka da'ay deegaanno ku yaalla Waqooyiga iyo Koonfurta gobolka Sool, iyadoo roobkan uu kusoo beegmayo xilli la sheegay in xaalad abaareed ay ka taagan tahay deegaanno balaaran oo gobolkaas ku yaalla.

3/12/2013 9:02 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Kulan dhexmaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo maamulka Gaalkacyo oo ay goobjoog ka ahaayeen shacabka ku nool deegaannadaas ayaa saakay ka dhacay waqooyiga degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

3/12/2013 8:14 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa kormeeray saakay qaybo ka tirsan magaalada Gaalkacyo, wuxuuna xariga ka jaray garoon kubadda oo loogu magic-daray, Cabdullaahi Ciise Maxamuud.isaga oo dhanka kale kormeeray xabsi dhexe iyo garoon diyaaradeed kuwaasoo howlo dhismo ah ay ku soconayso.

3/12/2013 8:07 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga talladda haya ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel), ayaa iclaamiyay xiliga la qabanayo shirka golaha dhexe ee xisbigaasi.

3/12/2013 2:00 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Dab geystay khasaare hantiyadeed oo aad u xooggan ayaa ka kacay suuq ku yaalla degamada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kaasoo lagu magacaabo Suuq Buusaar, iyadoo aan la ogeyn waxa sababay dabkan.

3/12/2013 1:52 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Maydadka laba qof oo la toogtay ayaa xalay iyo saakay lagu arkay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo aan la ogeyn sababaha labadaas qof loo dilay iyo kooxaha ka dambeeya dilkooda.

3/12/2013 1:49 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Burcadbadeed Soomaaliyeed ayaa lacag madaxfurasho ah kusii daayay markab laga leeyahay dalka Giriigga iyo 26 shaqaale ah oo la socday, kaasoo ay afduub ahaan u haysteen muddo sanad ku dhow.