3/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2013
Dab geystay khasaare Hantiyadeed oo xooggan oo Baabi’iyay Suuq ku Yaalla Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo

Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Dab geystay khasaare hantiyadeed oo aad u xooggan ayaa ka kacay suuq ku yaalla degamada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kaasoo lagu magacaabo Suuq Buusaar, iyadoo aan la ogeyn waxa sababay dabkan.

Wararka laga helay degmada Ceelwaaq ayaa sheegaya in dabkan oo shalay gellinkii dambe kacay uu socday illaa saakay aroortii, isagoo gubay in ka badan 30-dukaan iyo guryo kale oo ku dhow suuqa oo ah kii ugu weynaa degmadaas.

“Si lama filaan ah ayuu dabku ku kacay, waxaana ku gubtay dukaamo ay ku jireen hanta fara badan, lama oga sababta dhalisay dabka, illaa xalay oo dhanna waa socday, inkastoo saakay lagu guuleystay in la damiyo,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada suuqaas oo la hadlay saxaafadda.

Inkastoo aan la ogeyn qiyaasta hantida suuqaas ku gubatay haddana waa mid dhibaato badan u geysatay ganacstadii suuqaas hantida ku lahaa, iyadoo dhibaatooyinka noocan oo kale ay kusoo laalaabteen suuqyada ku yaalla dalka iyo kuwa ku yaalla xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee Kenya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in suuqa uu noqday meel barxad ah ayna ku sugan yihiin halkaas ganacsatadii ay hantida u taallay iyo dadweynaha degmada ku nool, waxaana halkaas ku sugan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

“Hantidii oo dhan way ku burburtay suuqa, maanta waxaa jira ganacsato hanta badan lahaa oo maanta aan waxba haysan, waa mar qornaa inuu dhaco, balse qof walba aad ayuu uga calool xumaaday khasaaraha uu dabkan dhaliyay,” ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Ceelwaaq.

Ma jiraan wax caymis ah oo ay helaan ganacsatada ku hanta beelaha dabka noocan oo kale ah, iyadoo ganacsataduna ay lacagaha caddaanka iyo agabka ay iibka u keeneen ay wada dhigtaan suuqa, sababo la xiriira amniga hantidooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/12/2013 1:35 PM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo maanta soo gaba-gabeeyay kormeer saddex maalmood qaatay oo uu kusoo maray maamul-goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa ku tilmaamay socdaalkiisa guul dhanka arrimaha gudaha iyo amniga laga gaaray.

3/12/2013 1:10 PM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka Qaranka ee xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Saudi Arabia halkaasoo uu kaga qaybgalayo shirweynihii 30-aad ee wasiirrada arrimaha gudaha ee dalalka Carabta.

3/12/2013 12:49 PM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Shirweynaha Qaran ee xiriirka urrurada shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU oo saddexdii sannaba mar la qabto ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

3/12/2013 10:14 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) —Gudiga farsamada shirka maamul u sameynta Jubooyinka ayaa manta ka warbixiyay halka uu marayo shirka la doonayo in maamul loogu dhiso gobollada la isku yiraahdo Jubooyinka.

3/12/2013 9:30 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ah ku simaha madaxweynaha Md:Cabdiraxmaa Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa maanta kormeer ku tagay mashruuca biyo gelinta xaafaddo ka tirsan magaaladda Hargeysa oo ka socda tuuladda Xaraf ee duleedka galbeed ee magaaladda Hargeysa.

3/12/2013 9:14 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Dhibcihii u horreeyey ee roobabka Guga ayaa ka da'ay deegaanno ku yaalla Waqooyiga iyo Koonfurta gobolka Sool, iyadoo roobkan uu kusoo beegmayo xilli la sheegay in xaalad abaareed ay ka taagan tahay deegaanno balaaran oo gobolkaas ku yaalla.

3/12/2013 9:02 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Kulan dhexmaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo maamulka Gaalkacyo oo ay goobjoog ka ahaayeen shacabka ku nool deegaannadaas ayaa saakay ka dhacay waqooyiga degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

3/12/2013 8:14 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa kormeeray saakay qaybo ka tirsan magaalada Gaalkacyo, wuxuuna xariga ka jaray garoon kubadda oo loogu magic-daray, Cabdullaahi Ciise Maxamuud.isaga oo dhanka kale kormeeray xabsi dhexe iyo garoon diyaaradeed kuwaasoo howlo dhismo ah ay ku soconayso.

3/12/2013 8:07 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga talladda haya ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel), ayaa iclaamiyay xiliga la qabanayo shirka golaha dhexe ee xisbigaasi.

3/12/2013 1:52 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Maydadka laba qof oo la toogtay ayaa xalay iyo saakay lagu arkay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo aan la ogeyn sababaha labadaas qof loo dilay iyo kooxaha ka dambeeya dilkooda.

3/12/2013 1:49 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Burcadbadeed Soomaaliyeed ayaa lacag madaxfurasho ah kusii daayay markab laga leeyahay dalka Giriigga iyo 26 shaqaale ah oo la socday, kaasoo ay afduub ahaan u haysteen muddo sanad ku dhow.