3/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2013
Maydadka laba qof oo Toogasho lagu dilay oo siyaabo kala duwan loogu arkay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir

Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Maydadka laba qof oo la toogtay ayaa xalay iyo saakay lagu arkay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo aan la ogeyn sababaha labadaas qof loo dilay iyo kooxaha ka dambeeya dilkooda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaari kuwa raaxad ah laga dajiyay ruux da’ dhexaad ah laguna toogtay xaafadda Carrafaat ee degmada Yaaqshiid, ayna kooxihii dilkiisa geystay isla markiibta goobta ka tageen. Sidoo kalena lagu arkay saakay xaafadda Silliga ee degmadaas maydka wiil dhallinyaro ah.

“Ruux dhexdhexaad ah ayaa xalay lagu dilay xaafadda carrafaat ee degmada Yaaqshiid, baabuur TOYOTA ah ayaa lagu keenay, halkaas ayaana lagu dilay, lama yaqaan sababta loo dilay,” ayuu yiri goobjooge magaciisa sababo amni u qariyay oo ku sugan xaafaddaas.

Sidoo kale, goobjooge ku sugan xaafadda Siliga ayaa isaguna yiri: “Maydka wiil dhallinyaro ah ayaa saakay lagu arkay xaafadda dhowr xabbadood ayaa kaga yaalla madaxa lamana oga cidda geystay dilkaas iyo sabab loo dilay.”

Ma jirto cid sheegatay inay dilalakaas ka dambeysay, iyadoo tani ay cabsi weyn gelisay dadka shacabka ah ee ku nool degmadaas oo  bilihii lasoo dhaafay u muuqday kuwo uu ka jiro ammaan weyn.

Hay’adaha ammaanka ee dowladda ayaan ka hadlin dilalkan xalay ka dhacay degmada Yaaqshiid oo keliya, iyadoo dowladdu ay sheegaysay inay qaaday olole ay ku sugayso ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya.

Dilalkan ayaa waxay imaanayaa iyadoo mas’uulka Al-shabaab u qaabisan gobolka Banaadir uu maalmo ka hor sheegay inay xoogaggoodu ku jiraan gudaha caasimadda ayna fulin karaan howgalkii ay doonaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/12/2013 1:35 PM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo maanta soo gaba-gabeeyay kormeer saddex maalmood qaatay oo uu kusoo maray maamul-goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa ku tilmaamay socdaalkiisa guul dhanka arrimaha gudaha iyo amniga laga gaaray.

3/12/2013 1:10 PM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka Qaranka ee xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Saudi Arabia halkaasoo uu kaga qaybgalayo shirweynihii 30-aad ee wasiirrada arrimaha gudaha ee dalalka Carabta.

3/12/2013 12:49 PM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Shirweynaha Qaran ee xiriirka urrurada shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU oo saddexdii sannaba mar la qabto ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

3/12/2013 10:14 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) —Gudiga farsamada shirka maamul u sameynta Jubooyinka ayaa manta ka warbixiyay halka uu marayo shirka la doonayo in maamul loogu dhiso gobollada la isku yiraahdo Jubooyinka.

3/12/2013 9:30 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ah ku simaha madaxweynaha Md:Cabdiraxmaa Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa maanta kormeer ku tagay mashruuca biyo gelinta xaafaddo ka tirsan magaaladda Hargeysa oo ka socda tuuladda Xaraf ee duleedka galbeed ee magaaladda Hargeysa.

3/12/2013 9:14 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Dhibcihii u horreeyey ee roobabka Guga ayaa ka da'ay deegaanno ku yaalla Waqooyiga iyo Koonfurta gobolka Sool, iyadoo roobkan uu kusoo beegmayo xilli la sheegay in xaalad abaareed ay ka taagan tahay deegaanno balaaran oo gobolkaas ku yaalla.

3/12/2013 9:02 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Kulan dhexmaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo maamulka Gaalkacyo oo ay goobjoog ka ahaayeen shacabka ku nool deegaannadaas ayaa saakay ka dhacay waqooyiga degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

3/12/2013 8:14 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa kormeeray saakay qaybo ka tirsan magaalada Gaalkacyo, wuxuuna xariga ka jaray garoon kubadda oo loogu magic-daray, Cabdullaahi Ciise Maxamuud.isaga oo dhanka kale kormeeray xabsi dhexe iyo garoon diyaaradeed kuwaasoo howlo dhismo ah ay ku soconayso.

3/12/2013 8:07 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga talladda haya ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel), ayaa iclaamiyay xiliga la qabanayo shirka golaha dhexe ee xisbigaasi.

3/12/2013 2:00 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Dab geystay khasaare hantiyadeed oo aad u xooggan ayaa ka kacay suuq ku yaalla degamada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kaasoo lagu magacaabo Suuq Buusaar, iyadoo aan la ogeyn waxa sababay dabkan.

3/12/2013 1:49 AM EST
Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Burcadbadeed Soomaaliyeed ayaa lacag madaxfurasho ah kusii daayay markab laga leeyahay dalka Giriigga iyo 26 shaqaale ah oo la socday, kaasoo ay afduub ahaan u haysteen muddo sanad ku dhow.