4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2013
Waxqabadka Dhalinyarada Kacdoonka La-dagaalanka Qabyaaladda oo London lagu soo bandhigay (SAWIRRO)


Monday, March 11, 2013(HOL): Munaasabad lagu maamuusayey isbedelka cusub ee dalka Soomaaliya kaddib markii kumeelgaarnimada laga baxay, isla markaana ay soo muuqatay yididiillada nabadeed ayaa lagu qabtay Magaalada London ee dalka Britain, iyadoo munaasabaddanna ay  soo qabanqaabisay Dhalinyarada Kacdoonka Kasoo horjeedka qabyaaladsa (Anti Tribalism Movement ).

 

Munaasabaddan ayaa ujeedkeedu ahaa  Dhiirrigelinta Dhalinyarada Soomaaaliyeed, Taageerida isbedelka kajira Soomaaliya, taageerida nabadda Soomaaliya & la-dagalanka qabyaaladda iyo qoriga .

 

Xafladdan waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan London sida, Bahda Isboortiga, Bahda Saxaafadda, Bahda Fanka iyo Suugaanta, Hooyooyinka  UK, Ardada wax ka barata Uk, Aqoonyahanno,Siyaasiin iyo waxgarad kale

 

Sidoo kale waxaa xaflada ka soo qeybgalay wasiir kuxigeenka  Warfaafinta C/shakuur Mire iyo Ra’iisal wasaarihii hore ee  Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, diblumaasiyiin iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

 


Dhammaan dadkii ka hadlay goobta ayaa waxa ay dhalinyarada ATM ugu mahadceliyeen kaalinta ay ka soo baxeen ee ku aaddan sidii loo ciribtiri lahaa Qabyaaladda oo dalka Soomaaliya in ka badan 20 sano dib u dhac ku keentay, isla markaana abuurtay in dad badan ay u naf waayaan colaado qabyaaladeysan.

 

Afhayeenka ATM Cabdifataax oo ka warbixiyey safar ay ku tageen Muqdisho ayuu jaaliyaddu u sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay mid aan daqiiqad laga maqnaan karin kheyraadka ka buuxa, wuxuuna ku dhiirrigeliyey dadka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iney ka qeybqaataan la-dagaallanka qabyaaladda si uu cagihiisa isu taago qaranka soomaaliyeed.

 


Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya  Cabdishakuur Cali Mire oo isna aad ugu ammaanay dallinyadarada ATM, isla markaana sheegay in isaga shaqsi ahaan uu taagersanyahay fikrada dhalinta ATM, waxa sidoo kale goobta kahadlay Ra’isalwasaarihii hore ee TFG mudane cabdi wali gaas oo isna kamid ahaa madaxdii ATM xamar ku soo dhaweysay isla markaana kala qeybgalay furitaankii xafiiskooda ugu horreeyay ee Muqdisho.

Si kastaba  ha ahaatee ururka ATM ayaa 3 sano jirsaday iminka tan iyo markii dhidibada loo taagey waxaana ururka howlihiisa wada dhalinyaro dhalinyaro da’dooda ka hooseyso 40 sano.






Ibrahim Omar Baafo, Hiiraan Online

[email protected]

London, UK