3/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2013
Ururka CDA oo ka dalbaday Guddiga Daneeyayaasha Caafimaadka ee Golaha Wakiilada Somaliland in xeer laga soo saaro Kufsiga (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Dhawaan ayay ahayd markii guddiga daneeyayaasha caafimaadka ee golaha wakiillada Somaliland ay kormeer xaqiiqo raadis ah ku yimaadeen magaalada Booarme ee xarunta gobolka gobolka Awdal, halkaasoo ay kulan kula qaateen qaar ka mid bulshada rayidka.

Haddaba, kulankaas oo ahaa mid lagu lafa-gurayay khataraha caafimaad ee bulshada Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal ka jira iyo sidii wax looga qaban lahaa ayaa xubnaha kulankaas gadhwadeenka ka ahaa ee ka socday golaha wakiilada Somaliland kana hadlay ka mid ahaa, xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali (Ayaanle), xildhibaan Ibraahim Maxamed Haybe, Axmed Ducaale Bulaale, C/raxmaan Cismaan Axmed iyo Cabdi Nuur Kijaandhe kuwaasoo dhamaantood ka warbixiyay sida loogu baahan yahay in laga wada-qaybqaato bad-qabka bulshada iyo ka hortagga khataraha caafimaad ee bulshada ku imaan kara.

Sidoo kale, waxaa iyana halkaas hadal qiiro leh oo quluubta dadwaynihii iyo mas’uuliyiinti iskugu timid madashan ruxay kasoo jeedisay guddoomiyaha ururka CDA ee ka hawlgala gobolada Galbeedka Somaliland, Aamina Cilmi Fariid kana shaqeeyay wacyigalinta iyo ka-hortagga ku tacadiga haweenka  waxayn sheegtay in haweenku u baahan yihiin gurmad u gaar ah oo laga warhayo maadaama ay yihiin laf-dhabartii adduunka waxaa kaloo marwadu codsi kusoo jeedisay in goluhu sharciyeeyo in xeer laga soo saaro kufsiga.

Waxa kaloo ay sheegtay in loo baahan yahay in wax laga qabto dhibaatada haysta haweenka ku nool degmooyinka deegaannada tuulooyinka ah iyo miyaga oo ay muhiimna u tahay haweenka meelaha fog ee tuulooyinka ku dhala loo sameeyo gurmad ama gaadiid lagu soo qaado si loo badbaadiyo natooda iyo ilmaha uurkooda ku jira .

Ugu dambeyn waxay Aamina sheegtay in ururkeedu hawlahan ku tacadiga haweenka ka shaqaynayay mudo lix sano ah ayna dhacdooyin runtii naxdin iyo dareen naxdin leh kala kulmeen arrinta kufsiga oo inta badan dadkeena kusoo noqnoqota waxayna xubnihii halkaas lagu soo qaaday xadiiskii rasuulka SCW ee ahaa: [Qofna ma jecel yahay in hooyadii la Kufsado? Walaashii la kufsado? Gabdhaha uu dhalay la Kufsado? Bal haddaba nin wallow arrintaas dib u eegoo codsigaygana ha la tixgaliyo].”

Kaddib, Aamina Cilmi Fariid hadalkaas qiirada leh ee ay jeedisay waxaa ka garaabay guddigii ka socday daneeyayaasha caafimaadka ee wakiilka ka ahaa golaha wakiilada Somaliland taasoo ay ka aqbaleen isla markaana ay balaan-qaadeen in sida ugu dhaqsaha badan ay u horgayn doonaan golaha sharcina laga soo saari doono.

Si kataba ha ahaatee; waa ururkii ugu horreeyey ee ku guulasyta in laga soo saaro sharci xakamaynaya ku tacadiga haweenka, gaar ahaan kusfsiga oo ay dhibaatooyin badan kala kulmaan haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Somaliland.






Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Soomaliland













Click here
3/11/2013 7:32 PM EST
Monday, March 11, 2013(HOL): Munaasabad lagu maamuusayey isbedelka cusub ee dalka Soomaaliya kaddib markii kumeelgaarnimada laga baxay, isla markaana ay soo muuqatay yididiillada nabadeed ayaa lagu qabtay Magaalada London ee dalka Britain, iyadoo munaasabaddanna ay soo qabanqaabisay Dhalinyarada Kacdoonka Kasoo horjeedka qabyaaladsa (Anti Tribalism Movement).

3/11/2013 2:14 PM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gellinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaannada uu ka taliyo maamulka Galmudug.

3/11/2013 1:10 PM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho iyadoo uu u geeriyooday maxbuus ka mid ah kuwa ku jira xabsiga dhexe iyo kuwo kale oo la il-daran cudurkan.

3/11/2013 11:18 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo Puntland ayaa heshiis iskaashi ku kala saxiixday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland oo uu ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi uu hoggaaminayo ay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay booqasho ku joogeen.

3/11/2013 10:54 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dalka keenayso lacago cusub oo wax looga bedelayo shillin Soomaaliga oo aan qiimo badan lahayn, sida uu saxaafadda u sheegay maanta wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta, Maxamed Xasan Aadan.

3/11/2013 10:13 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Jaamacadda Hope ayaa maanta 19-arday guddoonsiisay shahaadada Master-ka ah, kuwaasoo sagaal ka mid ah ay ku suganayeen magaaladaMuqdisho, halka 10-ka kalena ay joogeen magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, iyadoo munaasabaddii Muqdisho ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

3/11/2013 8:08 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya , Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa Puntland ayaa saaka booqday xerada 54-aad ee ciidamada xooga Puntland, halkaasoo ahayd xarun ciidan malateriga dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

3/11/2013 7:44 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Waxaa maanta sheybaarka dugsiga sare ee degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ku sumoobey 6-gabdhood oo kamid ah ardeyda wax ka barta fasalka 3-aad ee dugsiga sare ee Badhan.

3/11/2013 7:26 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Kulankaan oo loogu magacdaray fagaaraha ayaa bishiiba mar lagu qabtaa gobolka Minnesota, iyadoo lagu marti-gelinayo dad ehel u ah ama xog-buuxda ka haysta mamduuca lagu jeex-jeexayo oo inta badan loo xusho mid markaasi taagan ama si dhab ah u taabanaya nolosha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada qurbaha ama gudaha dalka.

3/11/2013 7:16 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Wararka naga soo gaaray deegaannka Halgan ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in xarakada Al-shabaab xabsiga ka sii deysay ilaa sideed macalin dugsi Qur’aan oo todobaad ka hor ay ku xiraan deegaannka.

3/11/2013 12:27 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ka hadlay boqollaal ciidammo oo dhawaan gaaray degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo cabsi badan ka dhaliyay degmadaas.