4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2013
Maxbuus u dhintay Cudurka Shuban Biyoodka oo ka dillaacay Xabsiga Dhexe (Gaalshire) ee Magaalada Muqdisho


Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho iyadoo uu u geeriyooday maxbuus ka mid ah kuwa ku jira xabsiga dhexe iyo kuwo kale oo la il-daran cudurkan.

Jen. Xuseen Xasan Cusmaan oo ah taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay xabsiga ee Muqdisho ayaa sheegay in cudurka loo yaqaan shaban-biyoodka uu  ka dilaacay xabsiga ee Muqdisho kaasoo uu hal qof ugu geeriyooday xabsiga.

“Hal qof ayaa shubankan u dhintay kuwo kalena way la xanuunsan yihiin; waxaan waaxda caafimaadka ee dowladda Soomaaliya ka codsanayaa inay gurmad lasoo garaan maxaabiista ku jira xabsiga dhexe ee Muqdisho,” ayuu yiri Jen. Xuseen Xasan.

Xabsiga dhexe ee Muqdisho oo ah midka ugu weyn eek u yaalla caasimadda ayaa waxaa ku jira maxaabiis xukunno kala duwan ku xukuman, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo ku xukuman dilal, kuwo xabsiyo sannado ah ku xukuman iyo kuwo ugu jira hab dhaqan-celin ah.

Dhanka kale; taliyaha ayaa uga digay dadka ku howlan dhismaha xarumaha ay leeyihiin ciidamada asluubta inay joojiyaan haddii ay dhega ka fureystaanna sharciga ayaa la horkeeni doonaa.

Ugu dambeyn, taliyuhu wuxuu in dhawaan dhismo laga billaabayo qaar ka mid ah xarumaha ciidamada Asluubta ay ku leeyihiin Muqdisho oo uu ka mid yahay xabsiga Kenysaney oo hadda ah Isbitaal, gurigii taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada Asluubta, xarumahii agoonta ee Afgooye iyo goobo kale, wuxuuna ugu baaqay dadka deggen goobahaas inay isaga guuraan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya