3/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2013
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland oo Heshiis ku kala saxiixday Xarunta Puntland ee Garoowe

Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo Puntland ayaa heshiis iskaashi ku kala saxiixday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland oo uu ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi uu hoggaaminayo ay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay booqasho ku joogeen.

Heshiiska ay dowladda iyo Puntland kala saxiixdeen ayaa u qoraan sidan:

Hordhac:

Waxaa booqasho qaadatay 09-kii illaa11-kii Maarso, 2013 ku yimid Puntland wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya (DFS) oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha, Cabdi Faarax Shirdoon. Wadahadallo dhinacyo badan oo ay dhinacyadu yeesheen kaddib waxaa lagu heshiiyay qododbada soo socda:

1. Kor u qaadista Kalsoonida iyo xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Puntland:

1.1: In la wanaajiyo xiriirka iyo wadahadalka madaxda sare ee labada dowladood la isna dhaafsado booqashooyin, lana ilaaliyo anshaxa dowliga ah.
1.2: In la dhiirrigaliyo wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
1.3: In la dhaqan-gelliyo dhammaan heshiisyadii dhexmaray Puntland iyo dowladihii KMG-kaa ahaa wixii aan ka hor-imaanayn dastuurka dalka.
1.4: Ilaalinta iyo ku dhaqanka dastuurka federaalka.
1.5: In la joojiyo lagana hortago wax kasta oo wax u dhimi kara xiriirka iyo wadashaqaynta labada dhinac wixii tabasho ahna lagu xaliyo wadahadal.

2. 0: Iskaashiga Amniga:

2.1: Isdhaafsiga xogta, khibradaha iyo isku xirista hay’adaha nabadgalyada.
2.2: Waxaa la isla gartay soo dhawaynta qaadista cunno-qabataynta hubka  iyadoo la iska kaashanayo xagga hubka iyo saanadda ciidamada.
2.3: Dhisidda ciidan Qaran oo isku-dheellitiran iskuna dhafan, lagana soo qoro dhammaan goballada iyo degmooyinka dalka.
2.4: In si wadajir ah looga wada-shaqeeyo la dagaalanka argagaxisada iyo burcad-badeedda.
2.5: In dowladda federaalka ay dayactirto maamushana xeryaha loo aqoonsado inay yihiin xeryo heer Qaran.
2.6: Waxaa lagu heshiiyy in ciidamada nabadgelyada Puntland laga caawiyo gunnooyinka, isgaarsiinta, gaadiidka, tababarrada iyo agabka (Logistics).

3. 0: Dhaqaalaha iyo Horumarinta:

3.1: Waxaa la isku raacay inay jirto baahi deg-deg ah oo ku saabsan sidii loo heli lahaa shillin Soomaali cusub.
3.2: Waxaa la isku raacay baahida loo qabo jaangoynta iyo midaynta canshuuraha (Tariffs) dalka oo dhan.
3.3: In la iska kaashado hurumarinta iyo kobcinta maamulka maaliyadeed ee dalka.
3.4: In dowladda federaalka Soomaaliya dedejiyo shirciga maal-gashiga  shisheeye, lagana faa’iideysto khibradda Punland.
3.5: In Puntland saamigeeda ay ka hesho dhammaan mashaariicda horumarineed iyo bani’aadanimo ee heer Qaran iyadoo dowladdu soo dhawaynayso una fududaynayso ciddii caawinaysa Puntland.
3.6: In loo hawlgalo wadashaqaynta iyo mideynta hay’adaha socdaalka (Immigrations) .
3.7: Waxaa la isla gartay in DFS ay saami ku yeelato dakhliga dekedaha iyo garoomada diyaaradaha  si waafaqsan dastuurka.

4. 0: Sameynta Dowladda Federaalka iyo ka-mid-noqoshadooda:

4.1: Waxaa labada dhinac isla garteen in dowladda federaalku ay dar-dar-geliso nidaamka federaaleynta dalka si waafaqsan dastuurka isla markaana ka hortagto wax kasta oo wax u dhimi kara taabo-gelinta dhismaha dowlad gobaleedyada.

5.0: Hannaanka geeddi socodka Dimuqraadiyadda Puntland:

5.1: Waxaa labada dhinac isla qaateen in la bogaandiyo lana dhiirri-geliyo hannaanka geeddi-socodka dimuqraadiyeynta Puntland, isla markaasna la dhowro shuruucda iyo xasilloonida Puntland.
5.2: Dowladda Soomaaliya waxay taageeraysaa lana soconaysaa geeddi-socodka dimuqraadiyadda Puntland.

6.0: Isku celinta hantida la kala haysto:

6.1: Waxaa labada dhinac ku heshiiyeen in dowladdu dedejiso isku-cellinta hantida gaar ahaaneed si loo helo dib u heshiisiindhab ah, iyadoo la magacaabayo guddi heer Qaran ah oo madax-bannaaan; go’aamadiisuna yeeshaan awood fulineed.
6.2: Waxaa labada dhinac ku heshiiyeen in dowladdu dedejiso dib u soo cellinta hantidii Qaran ee gudaha iyo dibadda.

7.0: Sameynta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka:

7.1: Waxaa la isla qaatay in dowladddu dedejiso dhismaha Aqalka sare ee baarlamaanka si waafaqsan dastuurka federaalka.

Saxiixayaasha Heshiiska:

Dhinaca dowladd Soomaaliya waxaa heshiiskaas u saxiixay Ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid). Dhinaca Puntlandna waxaa u saxiixay madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Heshiiskan oo fulintiisu ay dhiman tahay ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo dhaexmara dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland tan iyo markii la doortay madaxda dowladda cusub lix bilood ka hor.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/11/2013 7:32 PM EST
Monday, March 11, 2013(HOL): Munaasabad lagu maamuusayey isbedelka cusub ee dalka Soomaaliya kaddib markii kumeelgaarnimada laga baxay, isla markaana ay soo muuqatay yididiillada nabadeed ayaa lagu qabtay Magaalada London ee dalka Britain, iyadoo munaasabaddanna ay soo qabanqaabisay Dhalinyarada Kacdoonka Kasoo horjeedka qabyaaladsa (Anti Tribalism Movement).

3/11/2013 2:14 PM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gellinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaannada uu ka taliyo maamulka Galmudug.

3/11/2013 1:39 PM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Dhawaan ayay ahayd markii guddiga daneeyayaasha caafimaadka ee golaha wakiillada Somaliland ay kormeer xaqiiqo raadis ah ku yimaadeen magaalada Booarme ee xarunta gobolka gobolka Awdal, halkaasoo ay kulan kula qaateen qaar ka mid bulshada rayidka.

3/11/2013 1:10 PM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho iyadoo uu u geeriyooday maxbuus ka mid ah kuwa ku jira xabsiga dhexe iyo kuwo kale oo la il-daran cudurkan.

3/11/2013 10:54 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dalka keenayso lacago cusub oo wax looga bedelayo shillin Soomaaliga oo aan qiimo badan lahayn, sida uu saxaafadda u sheegay maanta wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta, Maxamed Xasan Aadan.

3/11/2013 10:13 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Jaamacadda Hope ayaa maanta 19-arday guddoonsiisay shahaadada Master-ka ah, kuwaasoo sagaal ka mid ah ay ku suganayeen magaaladaMuqdisho, halka 10-ka kalena ay joogeen magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, iyadoo munaasabaddii Muqdisho ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

3/11/2013 8:08 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya , Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa Puntland ayaa saaka booqday xerada 54-aad ee ciidamada xooga Puntland, halkaasoo ahayd xarun ciidan malateriga dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

3/11/2013 7:44 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Waxaa maanta sheybaarka dugsiga sare ee degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ku sumoobey 6-gabdhood oo kamid ah ardeyda wax ka barta fasalka 3-aad ee dugsiga sare ee Badhan.

3/11/2013 7:26 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Kulankaan oo loogu magacdaray fagaaraha ayaa bishiiba mar lagu qabtaa gobolka Minnesota, iyadoo lagu marti-gelinayo dad ehel u ah ama xog-buuxda ka haysta mamduuca lagu jeex-jeexayo oo inta badan loo xusho mid markaasi taagan ama si dhab ah u taabanaya nolosha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada qurbaha ama gudaha dalka.

3/11/2013 7:16 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Wararka naga soo gaaray deegaannka Halgan ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in xarakada Al-shabaab xabsiga ka sii deysay ilaa sideed macalin dugsi Qur’aan oo todobaad ka hor ay ku xiraan deegaannka.

3/11/2013 12:27 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ka hadlay boqollaal ciidammo oo dhawaan gaaray degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo cabsi badan ka dhaliyay degmadaas.