3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo Shaacisay inay Keenayso lacago cusub oo ay ku bedelayso Lacagta Shillin Soomaaliga

Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dalka keenayso lacago cusub oo wax looga bedelayo shillin Soomaaliga oo aan qiimo badan lahayn, sida uu saxaafadda u sheegay maanta wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta, Maxamed Xasan Aadan.

Wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay inuu socdo qorshihii lagu bedeli lahaa lacagta shillin Soomaaliga ah oo uu sheegay inay duugoowday, isagoo sidoo kale ka hadlay isbedelka sarrifka doollarka.

“Dowladdu waxay diyaar u tahay inay wax ka qabato lacagta Soomaaliga oo ay keento lacag cusub oo lagu bedelayo, waayo dowladda waa ku khasab in ay lacagta bedesho, waxaase layaab leh in ganacsatada qaarkood ay urursanayaan lacagaha la bedeli rabo,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka

Mar uu ka hadlay sababaha saldhigga u ah in sarrifka doollarka uu aad hoos ugu dhaco ayaa wuxuu sheegay inay sababi karaan lacago badan oo doollar ah oo dalka soo galay, balse wuxuu sheegay in lacagtaas aysan saameyn ku yeelan karin suuqyada, balse ganacsatada ay ka dambeeyaan arrintaas.

“Bankiga dhexe wuxuu wadaa qorshihii lacagta lagu bedeli lahaa, waxaana kula talinaynaa ganacsatada urursanaya lacagaha inaysan ku dhicin, waayo haddii ay lacagtu suuq ku firirsan tahay waa la koontarooli karaa sida lagu bedelayo,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaanahan waxay si aad ah uga hadlaysay isbedelka sarrifka doollarka oo saameyn xooggan ku yeeshay dadweyanha Soomaaliyeed, gaar ahaan danyarta.

Lama oga sida uu go’aankan ay xukuumaddu ku dhawaaqday ay wax uga bedeli karo sarrifka doollarka oo aad uga dhacay Muqdisho, halka gobollada kale ee dalka uu ka joogo heerkiisii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/11/2013 7:32 PM EST
Monday, March 11, 2013(HOL): Munaasabad lagu maamuusayey isbedelka cusub ee dalka Soomaaliya kaddib markii kumeelgaarnimada laga baxay, isla markaana ay soo muuqatay yididiillada nabadeed ayaa lagu qabtay Magaalada London ee dalka Britain, iyadoo munaasabaddanna ay soo qabanqaabisay Dhalinyarada Kacdoonka Kasoo horjeedka qabyaaladsa (Anti Tribalism Movement).

3/11/2013 2:14 PM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gellinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaannada uu ka taliyo maamulka Galmudug.

3/11/2013 1:39 PM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Dhawaan ayay ahayd markii guddiga daneeyayaasha caafimaadka ee golaha wakiillada Somaliland ay kormeer xaqiiqo raadis ah ku yimaadeen magaalada Booarme ee xarunta gobolka gobolka Awdal, halkaasoo ay kulan kula qaateen qaar ka mid bulshada rayidka.

3/11/2013 1:10 PM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho iyadoo uu u geeriyooday maxbuus ka mid ah kuwa ku jira xabsiga dhexe iyo kuwo kale oo la il-daran cudurkan.

3/11/2013 11:18 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo Puntland ayaa heshiis iskaashi ku kala saxiixday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland oo uu ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi uu hoggaaminayo ay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay booqasho ku joogeen.

3/11/2013 10:13 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Jaamacadda Hope ayaa maanta 19-arday guddoonsiisay shahaadada Master-ka ah, kuwaasoo sagaal ka mid ah ay ku suganayeen magaaladaMuqdisho, halka 10-ka kalena ay joogeen magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, iyadoo munaasabaddii Muqdisho ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

3/11/2013 8:08 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya , Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa Puntland ayaa saaka booqday xerada 54-aad ee ciidamada xooga Puntland, halkaasoo ahayd xarun ciidan malateriga dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

3/11/2013 7:44 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Waxaa maanta sheybaarka dugsiga sare ee degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ku sumoobey 6-gabdhood oo kamid ah ardeyda wax ka barta fasalka 3-aad ee dugsiga sare ee Badhan.

3/11/2013 7:26 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Kulankaan oo loogu magacdaray fagaaraha ayaa bishiiba mar lagu qabtaa gobolka Minnesota, iyadoo lagu marti-gelinayo dad ehel u ah ama xog-buuxda ka haysta mamduuca lagu jeex-jeexayo oo inta badan loo xusho mid markaasi taagan ama si dhab ah u taabanaya nolosha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada qurbaha ama gudaha dalka.

3/11/2013 7:16 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Wararka naga soo gaaray deegaannka Halgan ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in xarakada Al-shabaab xabsiga ka sii deysay ilaa sideed macalin dugsi Qur’aan oo todobaad ka hor ay ku xiraan deegaannka.

3/11/2013 12:27 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ka hadlay boqollaal ciidammo oo dhawaan gaaray degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo cabsi badan ka dhaliyay degmadaas.