3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2013
Kulan looga hadlayo doorka Culummada ay ku leeyihiin Dib-u-dhiska Dalka oo Gobolka Minnesota lagu Qabtay (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Kulankaan oo loogu magacdaray fagaaraha ayaa bishiiba mar lagu qabtaa gobolka Minnesota, iyadoo lagu marti-gelinayo dad ehel u ah ama xog-buuxda ka haysta mamduuca lagu jeex-jeexayo oo inta badan loo xusho mid markaasi taagan ama si dhab ah u taabanaya nolosha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada qurbaha ama gudaha dalka.

Barnaamijkaan  oo todobaadkaan hal ku dhiggiisu ahaa doorka culumada ee ku aadan dib-u-dhiska dalka ayaa waxaa ka lagu casuumay in ay ka hadlaan sadex ka mid ah culumada waaweyn ee madaxda ka ah masaajidda ay Soomaalidu ku leedahay magaalooyinka Minnesota, iyadoona goobta lagu qabanayey ay soo buux-dhaafiyeen dad aad u fara badan oo isugu jiray qeybaha bulshada, kuwaasi oo qaarkood su’aallo weydiinayey culumada.

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar, oo ah imaamka masjidka Abuu Bakar Sadiiq oo ka mid ah masaajidka Soomaalida Minnesota, kana mid ahaa culumadii dood-wadaaggaan ka qeybgalaysay, ayaa sheegay in doorka culumada ee ku aadan horumarinta iyo dib-u-dhiska dalku uu yahay mid cad, islamarkaana ay culumada diintu kaalin lixaad leh ka soo qaateen nabadeynta iyo mideynta bulshada.

Dastuurka Soomaaliya iyo shareecada Islaamka:

Sh. Cabdiraxman waxaa uu sheegay in ay Soomaaliya xiligaan gashay marxalad iyo waqti cusub oo u baahan in laga wada qeyb-qaato guud ahaan bulshada “culumo iyo caammo” intaba, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay culumada Soomaaliyeed in looga baahan yahay in ay si cad u taageeraan dowladda dhexe ee dalka ka jirta, oo uu sheegay in ay tahay dowlad sharci ah oo ku timid rabitaanka bulshada, islamarkaana dastuurka ay ku shaqeynayso uu yahay mid waafaqsan shareecada Islaamka.

“Dastuurka dowladdan ku shaqeynayso anigu waan akhriyey, waxaana ku jira wax badan oo wanaagsan oo aysanba lahayn dowladdo badan oo dunida Islaamka ka jira…Marka waxaa loo baahan yahay in laga wada-shaqeeyo sidii loo hirgalin lahaa,” ayuu yiri Sh. Cabdiraxmaan Sh. Cumar.

Sh. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ay jiraan qaladaad ay sameeyeen shaqsiyaad kooban oo ka fa’ideystay marxaladihii iyo isbeddeladii dalka ka dhacay, hase ahaatee aan dhammaan matalin wadaada diinta, kuwaasi oo sababay in culumada lagu dhaliilo in ay qeyb ka yihiin dhibaatada dalka ka jirta.

“Wax wanaagsan ma ahan in culumada dusha laga saaro khaladaad ay sameeyeen shaqsiyaad kooban.”

Sheekh Xasan Jaamici, oo isuguna ka mid ahaa culumadii barnaamijkaan ka qeybgashay ayaa doorka culumada ee ku aadan dib-u-dhiska dalka ku tilmaamay in uu yahay in ay si buuxda u taageeraan dowladda, si ay dalka nabad ugu soo dabaasho, islamarkaana ay uga shaqeyso hirgalinta dhowr qodob oo ay ka mid yihiin diinta, cadaaladda iyo midnimada ummadda.

“Culumadda waxaa looga baahan yahay in ay dowladda taageeraan, oo ay talooyin siiyaan, islamarkaana ay dowladda saxaan,” ayuu yiri Sh. Xasan Jaamici.

Sidoo kale culumadii dood-wadaagaan ka hadlay waxaa ka mid ahaa Sheekh Cabdiraxmaan Shariif, oo ka mid ah culumada madaxda ka ah masaajida Minnesota, isagoo dhankiisa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan in ay dhageysato talooyinka kaga imaanayo culumada, islamarkaana ay ku camal-fasho.

Garsoorka iyo Talooyinka mashaa’iqda Diinta:

Culumadaan ayaa dowladda Soomaaliya kula dardaarmeen in ay ka shaqeyso sidii dalka looga hirgalin lahaa nidaam garsoor oo madax-banaan, kaasi oo ku saleysan cadaaladda iyo diinta Islaamka.

“Haddii calaad la helo midnimo ayaa la helayaa…Marka dowladda waxaa looga baahan yahay in ay wax ku xukunto shareecada Islaamka iyo garsoor cadaalad ah,” ayuu yiri Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir.

Dagaalka Al-Shabab iyo Aragtida Culumada:

Kooxda Al-shabab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya ayaa inta badan ku dooda in dagaalkeedu ku saleysan yahay mabaadiida iyo hirgalinta shareecada Islaamka, hase ahaatee culumo-awdiinkii madashaan ka hadlay ayaa fikir dagaal ee Al-Shabab ku tilmaamay in uu yahay mid gurcan oo laga soo min-guuriyey Al-qaacida, sida ay hadalka u dhiggeen.

“Shabab waxaa ay sameynayaan sax ma ahan, waana in culumadu ka hortagaan fikirkooda,” ayuu yiri Sheekh Xasan Jaamici.

“Al-Shabab, waa xarako ay Al-qaacida ku dhex-abuurtay Soomaaliya, iyadoo ka faa’ideysanaysay burburkii Soomaaliya ka dhacay, hadeed Al-qaacida waxaa la rumaysan yahay in ay aamisan yihiin in guud ahaan la burburiyo wadamada Islaamka, markaa kaddibna dib loo soo dhiso…Marka waxaa haboon in fikir iyo awoodba lagula dagaalamo Al-Shabab,” ayuu dhankiisa leeyahay Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar.




Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota













Click here
3/11/2013 7:32 PM EST
Monday, March 11, 2013(HOL): Munaasabad lagu maamuusayey isbedelka cusub ee dalka Soomaaliya kaddib markii kumeelgaarnimada laga baxay, isla markaana ay soo muuqatay yididiillada nabadeed ayaa lagu qabtay Magaalada London ee dalka Britain, iyadoo munaasabaddanna ay soo qabanqaabisay Dhalinyarada Kacdoonka Kasoo horjeedka qabyaaladsa (Anti Tribalism Movement).

3/11/2013 2:14 PM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gellinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaannada uu ka taliyo maamulka Galmudug.

3/11/2013 1:39 PM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Dhawaan ayay ahayd markii guddiga daneeyayaasha caafimaadka ee golaha wakiillada Somaliland ay kormeer xaqiiqo raadis ah ku yimaadeen magaalada Booarme ee xarunta gobolka gobolka Awdal, halkaasoo ay kulan kula qaateen qaar ka mid bulshada rayidka.

3/11/2013 1:10 PM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho iyadoo uu u geeriyooday maxbuus ka mid ah kuwa ku jira xabsiga dhexe iyo kuwo kale oo la il-daran cudurkan.

3/11/2013 11:18 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo Puntland ayaa heshiis iskaashi ku kala saxiixday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland oo uu ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi uu hoggaaminayo ay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay booqasho ku joogeen.

3/11/2013 10:54 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dalka keenayso lacago cusub oo wax looga bedelayo shillin Soomaaliga oo aan qiimo badan lahayn, sida uu saxaafadda u sheegay maanta wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta, Maxamed Xasan Aadan.

3/11/2013 10:13 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Jaamacadda Hope ayaa maanta 19-arday guddoonsiisay shahaadada Master-ka ah, kuwaasoo sagaal ka mid ah ay ku suganayeen magaaladaMuqdisho, halka 10-ka kalena ay joogeen magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, iyadoo munaasabaddii Muqdisho ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

3/11/2013 8:08 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya , Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa Puntland ayaa saaka booqday xerada 54-aad ee ciidamada xooga Puntland, halkaasoo ahayd xarun ciidan malateriga dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

3/11/2013 7:44 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Waxaa maanta sheybaarka dugsiga sare ee degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ku sumoobey 6-gabdhood oo kamid ah ardeyda wax ka barta fasalka 3-aad ee dugsiga sare ee Badhan.

3/11/2013 7:16 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Wararka naga soo gaaray deegaannka Halgan ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in xarakada Al-shabaab xabsiga ka sii deysay ilaa sideed macalin dugsi Qur’aan oo todobaad ka hor ay ku xiraan deegaannka.

3/11/2013 12:27 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ka hadlay boqollaal ciidammo oo dhawaan gaaray degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo cabsi badan ka dhaliyay degmadaas.