3/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2013
Al-shabaab oo sii daysay Macallimiin dugsi Qur’aan oo in mudo ah ugu xirnaa Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan

Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Wararka naga soo gaaray deegaannka Halgan ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in xarakada Al-shabaab xabsiga ka sii deysay ilaa sideed macalin dugsi Qur’aan oo todobaad ka hor ay ku xiraan deegaannka.

Dad ku sugan deegaannka Halgan oo ka gaabsaday in magacooda la soo xigto ayaa u sheegay warbaahinta in dadaal dheer oo ay galeen waxgaradka iyo odayaasha deegaannka Halgan ugu danbeytii lagu sii daayay macalimiinta.

Macalimiinta oo intooda badan wax ka dhiga dugsiyo Qur’aan ayaa la xiray kadib markii ay ka dhaga-adeygeen amar ay siiyeen saraakiisha Al-shabaab ee deegaannka oo ahaa in ay ka soo qeyb-galaan bandhiga kitaab ay qoreen Al-shabaab oo ka hadllaya jihaadka.

Laakiiin macalimiinta ayaa waqtigaa u sheegay saraakiisha Al-shabaab in aysan waqti badan u heyn dhageysiga carashada kitaabka, madaama ay saaran tahay mas’uuliyad taa ka culus oo ah in ay ardeyda baraan Qur’aanka.

Mudadii ay xirnaayeen macalimiinta ayeey dadka deegaannka Halgan sheegeen in aan la xaadirin dugsiyadii ay wax ka dhigi jireen, islamarkaana mudo todobaad ka badan wax casho ah qaadan ardeydii ku xirneyd macalimiinta.

Al-shabaab ayaa weli ka talisa deegaanno badan oo ku yaalla gobolka Hiiraan, kuwaasoo ay ku jirto degmada labaad ee gobolkaas ugu weyn ee Buulo-burte oo dhawaan uu ka dhacay qarax weyn.

Hiiraan Online, News Desk













Click here
3/11/2013 7:32 PM EST
Monday, March 11, 2013(HOL): Munaasabad lagu maamuusayey isbedelka cusub ee dalka Soomaaliya kaddib markii kumeelgaarnimada laga baxay, isla markaana ay soo muuqatay yididiillada nabadeed ayaa lagu qabtay Magaalada London ee dalka Britain, iyadoo munaasabaddanna ay soo qabanqaabisay Dhalinyarada Kacdoonka Kasoo horjeedka qabyaaladsa (Anti Tribalism Movement).

3/11/2013 2:14 PM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gellinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaannada uu ka taliyo maamulka Galmudug.

3/11/2013 1:39 PM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Dhawaan ayay ahayd markii guddiga daneeyayaasha caafimaadka ee golaha wakiillada Somaliland ay kormeer xaqiiqo raadis ah ku yimaadeen magaalada Booarme ee xarunta gobolka gobolka Awdal, halkaasoo ay kulan kula qaateen qaar ka mid bulshada rayidka.

3/11/2013 1:10 PM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho iyadoo uu u geeriyooday maxbuus ka mid ah kuwa ku jira xabsiga dhexe iyo kuwo kale oo la il-daran cudurkan.

3/11/2013 11:18 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo Puntland ayaa heshiis iskaashi ku kala saxiixday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland oo uu ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi uu hoggaaminayo ay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay booqasho ku joogeen.

3/11/2013 10:54 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dalka keenayso lacago cusub oo wax looga bedelayo shillin Soomaaliga oo aan qiimo badan lahayn, sida uu saxaafadda u sheegay maanta wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta, Maxamed Xasan Aadan.

3/11/2013 10:13 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Jaamacadda Hope ayaa maanta 19-arday guddoonsiisay shahaadada Master-ka ah, kuwaasoo sagaal ka mid ah ay ku suganayeen magaaladaMuqdisho, halka 10-ka kalena ay joogeen magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, iyadoo munaasabaddii Muqdisho ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

3/11/2013 8:08 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya , Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa Puntland ayaa saaka booqday xerada 54-aad ee ciidamada xooga Puntland, halkaasoo ahayd xarun ciidan malateriga dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

3/11/2013 7:44 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Waxaa maanta sheybaarka dugsiga sare ee degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ku sumoobey 6-gabdhood oo kamid ah ardeyda wax ka barta fasalka 3-aad ee dugsiga sare ee Badhan.

3/11/2013 7:26 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Kulankaan oo loogu magacdaray fagaaraha ayaa bishiiba mar lagu qabtaa gobolka Minnesota, iyadoo lagu marti-gelinayo dad ehel u ah ama xog-buuxda ka haysta mamduuca lagu jeex-jeexayo oo inta badan loo xusho mid markaasi taagan ama si dhab ah u taabanaya nolosha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada qurbaha ama gudaha dalka.

3/11/2013 12:27 AM EST
Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ka hadlay boqollaal ciidammo oo dhawaan gaaray degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo cabsi badan ka dhaliyay degmadaas.