3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2013
Maxkamadda dalka Jabuuti oo xasbi sannado ah ku ridday saddex wadaad oo lagu eedeeyay inay Rabashado abaabuleen


Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Maxkamad ku taalla dalka Jabuuti ayaa ku xukuntay saddex wadaad oo ka mid ah kuwa dalka Jabuuti xabsi min laba sano ah, kuwaasoo lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen abaabulka dibad-baxyo ka dhacay dalka Jabuuti doorashadii baarlamaanka kaddib.

Culummada la xukumay ayaa waxay kala ahaayeen: C/raxmaan Suleymaan Bashiir, C/raxmaan Barkhad Gurad iyo Giirre Meygaag, iyadoo xukunkooda uu qayb ka yahay in muddo shan sano oo laga xanibay inay siyaasadda ka qaybgaleen.

“Dambiga lagu helay saddexdan wadaad waa inay abaabuleen kacdoon ka dhan ah ammaanka, waxayna dadka ku yiraahdeen is hubeeya oo askarta iyo shacabka dhagaxyeeya, dambigaasna sharciga Jabuuti wuxuu qabaa in lagu xukumi karo 10-sano oo xabsi ciidan ah,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee dalka Jabuuti, Jaamac Suleymaan Cali oo la hadlay VOA-da.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in wadaaddadan lagu xukumay midkiiba laba sano oo xabsi oo 18 bilood oo ka mid ah uu yahay xabsi adag, wuxuuna ku eedeeyay culummadan inay abaabuleen kacdoon hubeysan oo looga horjeedo xukuumadda.

Mar la weydiiyay caddeymaha ay u hayaan dambiyadan ayuu sheegay inay billaabeen falalkan markii doorashada la galay, isagoo xusay inay dadka isku keeneen ayna doonayeen inay dalka qalalaase geliyeen, doorashada ka hor ayaana la ogaa inay falkaas ku jireen.

“C/raxaan Bashiir oo Yurub jooga ayaa wuxuu sheegay in la abaabulo illaa 1,000 qof oo dhiiggooda hura si ay dalka rabshado uga abuuraan inta lagu jiro doorashada, waana laga warhayay arrintaas,” ayuu yiri xeer ilaaliyaya oo sheegay in arrintan ay qayb ka tahay caddeymaha ay u hayaan dambiga lagu soo oogay culummadan.

Sidoo kale, xeer ilaaliyaha Jabuuri wuxuu sheegay in laga duubay raggan codad ay ku abaabulayaan rabshadaha lana keenay maxkamadda, iyaguna ay garteen in codadkaas ay yihiin kuwoodii.

Laakiise garyaqaankii u doodayay culummadan Zakariye Cabdullaahi oo isna u warramayay VOA-da ayaa sheegay in xukunka culummadan uu yahay mid sharci-darro ah, eedaha lagu soo oogay oo dhanna ay yihiin kuwo been ah, balse lagu haysto maxaad  doorashada darajada sare uga gaarteen.

Ugu dameyn, xeer ilaaliyaha guud ee dalka Jabuuti ayaa sheegay in sidoo kale maalinta Arbacada ah la horkeeni doono maxkamadda Jabuuti, Daahir Axmed Faarax (Daaf) oo afhayeenka xisbiga USN oo meel sare ka galay doorashooyinkii baarlamaan ee dalkaas ka dhacday bishii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/10/2013 8:24 PM EST
Bishan March 16keeda ayaa waxaa magaalada Minneapolis lagu qabandoonaa kulan lagu lafa-gurayo "YAA KA DAMBEEYA DILALKA QORSHEYSAN"

3/10/2013 1:21 PM EST
Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Dublamaasiyiin ka socda wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya oo tiradoodu tahay 20 ayaa wuxuu tababar ay ku baranayaan sida ay wasaaradda arrimaha dibaddu u shaqeyso uga socdaa dalka Koonfur Afrika.

3/10/2013 11:53 AM EST
Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu celiyay xukuumadda saddex hindise sharciyeed oo ay soo gudbisay wasaaradda garsoorka, iyadoo kulanka ay maanta ay kasoo qaybgaleen in ka badan 140-mudane.

3/10/2013 11:52 AM EST
Axad, Maar so 10, 2013 (HOL) — Wakiilka gobolka Awdal ee ururka haweenwka Qaranka Somaliland ee NOW, Kawsar Ibraahim Rijaal ayaa sheegtay in aysan u tartamayn jagada guddoomiyenimada xisbiga ee sannadkan.

3/10/2013 11:17 AM EST
Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda ee Masar, Maxamed Kaamil Caamir oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa waxay kulammo la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya, wasiirro ka tirsan xukuumadda, guddoomiyaha baarlamaanka iyo safiirro.

3/10/2013 10:24 AM EST
Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo waftigii uu hoggaaminayay oo maalintii labaad booqasho ku joogo Puntland ayaa khudbad dheer ka jeediyey xarunta golaha baarlamaanka Puntland, waxaa sidoo kale ra’iisul wasaaruhu uu booqasho kusoo kala bixiyay xarumo kala duwan, sida wasaaradaha cadaaladda, caafimaadka, xabsiga weyn oo dhisme ku socdo iyo madaxtooyada cusub oo dhismaheedu marayo heer gabo-gabo ah.

3/10/2013 8:44 AM EST
Axad, March 10, 2013(HOL): Iyadoo lagu guda jiro todobaadkii xuska maalinta haweenka adduunka ee ku beegan 8-da Maarso ayaa waxaa xalay munaasabad lagu xusayay maalintaas lagu qabtay magaalada Katrineholm ee dalka Sweden.

3/10/2013 1:59 AM EST
Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in cunno qabateynta hubka ee laga qaaday Soomaliya halis ku yahay amniga Somaliland, waxaanu sheegay inay ciidan ku filan oo difaaca leeyihiin.

3/10/2013 1:53 AM EST
Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaaba ayaa sheegtay in laba sarkaal oo ka tirsan ha’yadda nabadsugidda gobolka Banaadir ay ku toogteen Muqdisho, iyadoo aysan hay’adda nabadsugidda weli jawaab ka bixin dilka la sheegay in laba saraakiisheeda ah loo geystay.

3/10/2013 1:27 AM EST
Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, kaasoo kusoo baxay doorashadii dalkaas ka dhacday toddobaadkii lasoo dhaafay, isagoo shacabka Kenya ugu baaqay inay muujiyaan xasillooni.