4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2013
MADAXWEYNE SIILAANYO: “Cuno-qabateynta Hubka ee Somalia laga qaaday waa mid aan ka xunnahay oo…” (SAWIRRO)


Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in cunno qabateynta hubka ee laga qaaday Soomaliya halis ku yahay amniga Somaliland, waxaanu sheegay inay ciidan ku filan oo difaaca leeyihiin.

Sidaas waxa uu madaxweynuhu ka sheegay mar uu shalay galab u anbabaxayey safar shaqo oo uu tagayey dalka Turkiga oo uu casuumad ka helay.

“Aniga iyo weftiga illa socdaa waxaan u baxaynaa safar aanu ku tegayno dalka Turkiga, halkaasi oo aanu marti qaad rasmi ah ka helnay raysal wasaaraha dalka Turkiga,Wefti wasiirro ah oo dalka Turkiga joogaana way naga sii horeeyaan, dalka Turkigu waa dal wayn oo aynu taariikh badan wadaagno, waa dal wax badan ay inagaga xidhmi karaan, waxaanan doonaynaa in aynu xidhiidh fiican dhinacyo badan leh la yeelano, sidaas darteed marti qaadkaa aanu ka helnay ayaan ku tegaynaa,”ayuu yidhi madaxweynaha oo ka hadlayey ujeedada safarkiisa ee uu Turkiga oo ah markii ugu horeysay ee madaxweyne Somaliland ka tirsan oo booqdo dalkaasi.

“Cuna qabataynta hubka ee laga qaadayna waa mid aanu aad iyo aad uga xunahay dhibaatada ay noo keenayso, laakiin annagu ma hayno meel ay dawladda Soomaaliya ku tidhi xoog ayaanu ku dhacsanaynaa, xoog ayaanu ku midaynaynaa iyo dagaal ayaanu ku qaadaynaa, sida kale ayay u tidhaahdaa hawlaha wada hadal ayaanu ku dhamaysanaynaa .”ayuu yidhi madaxweynuhu mar wax laga waydiiyey sida uu arko cuno qabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya. Waxaanu intas ku daray “Anaguna wada hadal dan kama lihin awalba waanu wada hadlaynay, hore ayaanu isugu nimid meel ay dunidu joogto, wadahadal wax kama qabno ee wadahadal loo siman yahay oo ay Somalilland gooni isu taageeda iyo qaranimadeeda ku muujinayso oo ay u cadaynayso cid kastaba.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu tilmaamay inay somaliland leedahay ciidan ku filan oo xuduudaheeda ku ilaashanayso oo aanay cidna uga cabsooneyn, waxaanu yidhi “Difaac haddii ay noqoto Somaliland way leedahay ciidan ku filan iyo dad ku filan oo xoriyadooda ilaashadda, markii horena Somaliland xoriyadeeda bilaash laguma siine ee oog ayay kula soo noqotay.”

Waxaana madaxweynaha sii sagootiyey Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaano iyo madax dhaqameed.

Madaxweynaha waxa socdaalkiisa ku weheliya Marwadda koowaad Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris), Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Dib u dejinta Md. Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye, waxaana ka siii horeeyey oo safarka isii gogol xaadhayey Wasiirka Arrimaha dibadda Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiirka Waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan.







Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland