4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2013
Waxgarad iyo siyaasiyiin ku kulmay Magaalada Muqdisho oo ku baaqay in la Joojiyo Dagaallada Kismaayo (SAWIRRO)


Axad, Juun 09, 2013 (HOL) — Kulan ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee odayaasha, siyaasiyinta, xildhibaannada iyo waxgarad kasoo jeeda gobollada Juboboyinka oo maanta ka dhacay Muqdisho ayaa lagu dalbaday in la joojiyo dagaallada kasoo cusboonaaday magaalada Kismaayo.

Waxgaradkii kulankaas kasoo qaybgalay ayaa ku baaqay inaan dhibaatooyin loo geysan shacabka, iyadoo labada dhinaca ee dagaalku u dhexeeyana ugu baaay inay nabad ku xalliyaan khilaafaadkooda intii ay dadka ku dul-dagaalami lahaayeen.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu taageeray baaqyadii xabad-jooojinta ahaa ee ay u jeediyeen madaxweynaha Somalia, ra’iisul wasaarahiisa iyo wasiirrada arrimaha gudaha iyo gaashaandhigga.

“Dhammaan dhinacyada isku haya Jubbooyinka waa inay kasoo qaybgalaan kulan dib u heshiisiin ah oo ay dowladda Soomaaliya dhawaan ku qaban doonto Muqdisho; kaasoo ka mid ahaa go’aannadii kasoo baxay shirkii ay ku yeesheen urur goboleedka IGAD magaalada Addis Ababa bishii hore,” ayaa lagu yiri baaq ay wadajir u soo saareen waxgaradkan.


Guddoomiyaha guddiga xiriirka gobollada Jubbooyinka, Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Suldaan (Luga-dheere) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan Jubbooyinka ay ka daaleen dagaalo iyo fowdo loona baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo xiisadaha halkaas ka taagan, loona hoggaansamo go’aanka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan in la joojiyo xabada, wax walbana lagu dhameeyo nabad.

“Dagaalka waa in la joojiyo, maxaa yeelay dagaal dan Soomaaliyeed, dan beeleed, dan deegaanka iyo dan shaqsiyadeed laguma gaari karo, 22-sano oo la dagaalamayay wax natiijo ah lagama gaarin, waxaana muddooyinkaas lagu dul-dagaalamayay dadka aan dagaal rabin,” ayuu Lugadheere ku daray hadalkiisa.


Kulankaas waxaa kaloo ka hadlay xubno ay ka mid ahaayeen, Maxamed Xasan Fiqi oo ah guddoomiyaha beelaha direed ee Jubbooyinka iyo Ugaas Honero iyagoo madaxda dowadda Soomaaliya ka raalli-galiyay hadalo gef ah oo kaga yimid siyaasiyiinta gobollada Jubbooyinka qaarkood.

Dhanka kale, waxaa kulanka hadallo guubaabo ah oo ku saabsan sidii lagu nabadeyn lahaa gobollada Jubbooyinka kasoo jeediyay aqoon-yahanno iyo haween kasoo jeeda gobolladaas, iyagoo ku baaqay in laga shaqeeyo sidii maamul cadaalad ah loogu sameyn lahaa gobollada Jubbooyinka.

Kulankan ayaa kusoo beegmay xilli ay maanta daggan tahay Kismaayo oo ay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socdeen dagaallo geystay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya