4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo soo dhaweysay Mashaariic cusub oo dowladda Sucuudigu ay ka billowday Soomaaliya (SAWIRRO)


Axad, Juun 09, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo dhaweysay mashaariic cusub oo dowladda Sucuudiga ay ka bilaabayso dalka Soomaaliya, kuwaasoo ay fulinayso ururka iskaashiga Islaamka ee OIC, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Mashaariicdan ayaa waxaa ku baxaysa lacag gaaraysa 72-milyan oo doolar, waxaana wajigiisa koowaad oo maanta billowday ku baxay 24-milyan oo doolar, iyadoo wax looga qabanaya lacagtaas arrimaha caafimaadka, biyaha, waxbrashada, beeraha iyo arrimaha bulshada.

Wakiilka Ururka iskaashiga Islaamka u fadhiya Soomaaliya, Axmed Maxmed Aadan ayaa sheegay in dowladda Sucuudiga maal-galinayso mashriicdan oo noqon doona saddex waji, iyadoo laga hir-galinayo dhammaan gobolada dalka Soomaaliya.


“Ururka iskaashiga Islaamku OIC wuxuu diyaar u yahay inay kaalin mug leh ka qaadataan dib-u-dhiska Soomaaliya, wajiga koowaad ee mashaariicdana waa kuwo lagu baahinayo dhamaan dalka oo dhan, wuxuuna horay ururku 11-gobol oo dalka ah ka qoday 50 ceel oo biyo laga cabo,” ayuu yiri wakiilka OIC oo intaas raaciyay in looga baahan yahay dowladaha ku jira ururka inay qaataan kaalin la mid ah tan uu qaatay Sucuudiga si looga qayb-qaato dib-u-dhiska Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta, Cabdullahi Cilmooge Xirsi oo wasaaraddiisu marti-galisay kulnka ayaa sheegay in ururuka OIC uu yahay kan labaad ee ugu weyn caalamka ayna xubno ka yihiin 57-dowladood oo ku baahsan dunida oo dhan, waana urur u taagan u gar-gaaridda muslimiinta, mashaariicdan aadka u ballaaran oo ay ka fulinayaan Soomaaliyana uu qayb weyn ka qaadan doono xasilinta dalka.


Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay ururka iskaashiga Islaamka (OIC) iyo dalka Sucuudiga oo dhaqaalaha ku baxaysa mashaariicdan fuliyay, isagoo sheegay in ururka iskaashiga Islaamku uu kaalin weyn ka qaadanayo fulinta iyo isku-dubaridka mashaariicdan isugu jira bani’aadanimada iyo hormarinta.

“Deeq-bixiyayaasha aan saaxiibka nahay iyo walaalheenna Islaamka waxaan ku bogaadinayaa kaalinkii ay ka qaateen gurmadkii xiliyadii abaaraha culus ay ka jireen Soomaaliya, waxay fidiyeen gurmad deg-deg ah oo badbaadiyay malaayiin Soomaali ah, abaalkaas waa mid aan la ilaawi doonin, Soomaaliya maanta waxay gashay marxalad cusub oo dib u kabasho ah, waxaana looga fadhiyaa dalalka Islaamka inay qayb ka qaataan dib-u-dhiska dalka si mar kale ay Soomaaliya cagaheeda isugu taagto,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.


Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu ayaa ka dhawaajiyay in dib-u-dhiska dalku uu ka culus yahay kana gun-weyn yahay gurmadka abaaraha, haddii aan laga helin caalamka kaalmo iyo is-barbar-taag ay suurto-gal ahayn in Soomaaliya ay kaligeed wajahdo.

“Qorsha xukuumadda illaa iyo markii golaha baarlamaanka ansixiyay waxay ku hawlanayd dejinta qorshe lagu dhisayo hannaanka dowladnimo laguna dardar-gelinayo dib-u-dhiska Soomaaliya. Waxaan diyaarinay qorshe ka kooban dib-u-dhiska hannaanka waxbarashada, caafimaadka, horumarinta adeegyadda bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo aan rajaynayno in baarlamaanku ansixiyo si loo hirgaliyo,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, mudane Saacid wuxuu codsi u diray dhammaan dalalka deeq-bixiyayaasha ah isagoo ka dalbaday inay ku kaalmeeyaan dowladda qorshaha ku doonayso inay dalka dib ugu dhisto.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya