4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2013
Shil Gaari oo ay Dad Badani ku Dhinteen oo Ka Dhacay Deegaanka Timirshe oo Hoos Taga Degmada Boosaaso

Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) — Afar qof ayaa ku dhimatay todoba kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaarey Shil-gaari oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay meel 180-km magaalada Boosaaso bariga kaga aadan.

Gaariga shilka galay - oo ahaa nooca ay Soomaalidu Waaraadka u taqaan- ayaa ku gaddoomey jidka rafka ah ee u dhexeeya degmooyinka Timirshe iyo Dharjaale.

Saddex kamid ah dadka geeriyoodey ayaa ahaa dumar, halka uu midka kalena ahaa rag. Dadka dhaawaca ah oo ay qaarkood xaaladoodu halis tahay ayaa iyagana xilligan lagu dabiibayaa isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso.

Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyey in saddex  qof oo kuwa dhaawaca ah kamid ahi ay koomo ku jiraan, xaaladooduna ay halis tahay, balse afarta kale ay aad u wanaagsan yihiin.

Midka kamid ah dadka shilkaas kusoo dhaawacmay oo lagu magacaabo Axmed Cartan ayaa isaga oo isbitaalka ku sugan warbaahinta uga warbixiyey sida ay wax u dheceen, wuxuuna sheegay in gaarigu uu gaddoomey abbaare 12:30 ee xalay saqdii dhexe.

Wuxuuna intaas raaciyey in gaarigu markii uu dhacayey uu xawaare sare ku socdey, isagoo xusay in daqiiqado kaddib markii uu shilku dhacay ay usoo gurmadeen dadweynaha ku dhaqan tuulooyinka ku dhow aagga uu shilku ka dhacay.

Inta badan shilalka gaadiidka ayaa ah kuwo ka dhaca wadada laamiga ah ee isku xirta gobollada Puntland, haseyeeshee shilalka ka dhaca rafka ayaa ah kuwo aan sidaas u badneyn.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya