3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in aysan Wadahadal cusub ka galeyn Arrimaha ku saabsan badaha Soomaaliya (SAWIRRO)


Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Soomaaliya oo maanta kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen dhirirka xuduudaha badda Soomaaliya, iyagoo go’aanno arrintaas kasoo saaray go’aanno. Iyadoo warsaxaafadeed kasoo baxay kulanka lagu yiri:

Xukuumada federaaliga Soomaaliya waxay ayidsan tahay go’aankii uu 01-dii Ogoosto ee sannadkii 2009 uu gaaray baarlamaanka Soomaaliyeed ayna ku diideen xildhibaannadu is-fahmakii doodda looga furayey xadeynta biyaha badda Soomaaliyeed. Is-afgaradkaas oo ka dhacay Nairobi 07-dii April, 2009 uuna saxiixay wasiirkii xiriirka caalamiga ee DFKMG iyo wasiirka Arrimaha dibadda ee Kenya. Is-afgaradkaas oo baarlamaanku uu ku sifeeyay waxba kama jiraan (Null & Void).

Sida ku cad qoraalkii ka soo baxay Qaramada Midoobay 12-kii Maarso, 2010 ee ay ku caddeeyeen in Is-fahamka (MOU) dhex-maray DFKMG iyo Kenya uu yahay mid aan la cuskan karin kaddib markii baarlamaanka Soomaaliya uu diiday, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawlgeli karin ama la cuskan karin.

Xukuumada federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga Qaran ee badaha Law No. 37 ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200-mayl iyo continental shelf. Waxayna dawladda Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha adduunka ee ay wax ka saxiixday 24-kii Luuliyo 1989-kii, iyadoo aan ka tanaasulin sharciga Qaran.

Xukuumada federaaliga Soomaaliya waxay caddeyneysaa inaysan wadahadal cusub ka galay arrimaha ku saabsan badda Soomaaliya; gaar ahaan dib-u-qeexida iyo xadeynta xeebta Soomaaliya.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya waxay caddeyneysaa inay ka go’an tahay xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga soo jireenka ahaa ee labada Kenya iyo Soomaaliya. Waxayna dawladdu soo dhawaynayaa wadashaqeynta labada dowladdood ee la xiriira dhanka dib-u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed iyo xoojinta ammaanka xuduudaha labada dal wadaagaan.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/6/2013 2:39 PM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) —Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa maanta kulan la qaatay ardayda wax ka barata Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama. Kulanka ardeyda iyo Prof. Samatar ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay maamulka jaamacadda iyo mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland.

6/6/2013 2:06 PM EST
Hees: Dhibaatada Haysata Soomaalida Ku nool Koofur Afrika

6/6/2013 11:18 AM EST
Khamiis, June 06, 2013(HOL) :- Wafdi uu hogaaminayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo isagu dhawaan gudaha Kismaayo loogu doortay madaxweeynaha Jubbaland ayaa maanta u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

6/6/2013 9:03 AM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) — Afar qof ayaa ku dhimatay todoba kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaarey Shil-gaari oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay meel 180-km magaalada Boosaaso bariga kaga aadan.

6/6/2013 7:26 AM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) — Koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa dooni laga leeyahay dalka Hindiya ka qabsaday gelinkii hore ee shalay meel 20 mayl u jirta dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

6/6/2013 7:16 AM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) — Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay laguna maamuusayay 36 sano guuradii ka soo wareegatay aas-aaska ciidamada xoogga dalka Jabuuti, ayaa lagu qabtay xerada Ceel-jaalle ee dulleedka magaalada Baladweyne oo saldhig u ah ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM.

6/6/2013 7:16 AM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) — Hay’adda Samafalka waddaniga ah ee HARO (Humanitarian Africa Relief Organization) ayaa deeq isugu jirtay dhar, kabo iyo booroosooyin ah u qaybisay dad dan-yar ah oo ku nool degmada wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana dad deeqdan ka faa’iideysatay ay kor u dhaafayeen illaa 1,000 qof oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada.

6/6/2013 6:37 AM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo wareysi gaar ah siiyay Tv-ga Al-Jazeera ayaa sheegay in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan aysan ahayn mid fudud, balse caalamka ay kala dhexeyso wadashaqeyn dhab ah.

6/6/2013 6:11 AM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) —Laba ciyaarood oo aad u adag, ayaa shalay iyo xalayba ka dhacay garoomadda ciyaaraha ee magaalada Hargeysa, waxaana iskaga hor yimid goboladda Gabiley iyo Togdheer, Awdal iyo Sool, Saaxil iyo Togdheer.

6/6/2013 6:08 AM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) —Qaar kamid ah xildhibaanada Soomaalida ee ku jira labada aqal ee baarlamaanka dalka Kenya, ayaa xalay magaalada Nairobi casho-sharaf ugu sameeyey madaxweynaha Puntland iyo wefdi uu horkacayo oo muddo todobaad ah socdaal shaqo ku jooga dalka Kenya.

6/6/2013 3:27 AM EST
Khamiis, June 06, 2013Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa cabasho ballaaran ka muujiyay kooxo hubeeysan oo xilliyada habeenkii ah dadka isbaareeysta islamarkaana ka qaata moobeelada gacanta iyo waxyaalaha ay wataan.

6/6/2013 2:52 AM EST
Khamiis, June 06, 2013(HOL) :- Ciidamada dowladda Suuriya ayaa dib u qabsaday magaalada xuduuda ku taal ee Qusayr kadib dagaallo socday isbuucyo oo ay la galeen mucaaradka dalkaasi.

6/6/2013 1:54 AM EST
Kahmiis, Juun 5, 2013 (HOL) Culumada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ayaa si weyn uga hadlay dilka naxariis-darrada ee loogu geysanayo Soomaalida ku nool dalka Koofur Africa, waxayna ku baaqeen in Soomaalida meel kasta oo ay joogaan ku bannaanbaxaan.