4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2013
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo Howl-gallo ay Dad Badan ku qab-qabteen ka sameeyay Magaalada Muqdisho

Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howgallo guri-guri ah oo ay maanta ka sameeyeen degmada Shibbis ee gobolka Banaadir waxay kusoo qabqabteen boqolaal qof oo u badan dhallinyaro.

Howgalladan ayaa waxay qayb ka yihiin howgallo ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka wadeen Muqdisho toddobaadyadii ugu dambeeyay, kuwaasoo la sheegay in lagu raadinayo xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaya degmooyinka gobolka Banaadir.

“Ciidammo badan ayaa saakay aroortii soo buuxiyay degmada, waxaana la qabtay qof walba oo dhallinyaro ah kuwaasoo isugu jiray kuwo iskuullo u socday, kuwo jaamacado u socday iyo kuwo shaqooyin u socday,” ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Shibbis oo magaciisa kusoo gaabiyay Cumar.

Goobjoogaha ayaa sheegay in ciidamadu ay guri-guri u baareen dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Shibbis, wuxuuna xusay in intii uu howgalku socday la xayiray isku socodka gaadiidka iyo dadka.

“Aroornimadii hore ee saakay ayay ciidamadu guriga noosoo garaaceen, waxay la baxeen saddex dhallinyaro ah, nooma sheegin waxyaabaha lagu hayo, balse waxaa amar lagu siiyay inay fulaan gaari ay ciidamadu wateen,” ayay warbaahintau sheegay Muxubo Calasoow oo ka ka mid ah dadka ku nool degmada Shibbis.

Ma jiraan wax wara ah oo ay saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM ka siiyeen warbaahinta howgalkooda, iyadoo dhallinyarada la qabqabtay loo taxaabay xabsiga, halkaasoo la sheegay in lagu kala saarayo.

Degmooyinka gobolka Banaadira ayaa waxaa dhawaanahan ka socday howgallo ay sameynayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, kuwaasoo guryaha kala baxay dhallinyarada iyo ragga kale ee da’ dhexaadka ah, iyadoo la geynayay saldhigyada ciidamada.

Boqolaal waalidiin ah ayaa ku sugan xarumaha ciidamada dowladda sida CID-da oo inta badan dadka lasoo qabqbato la keeno, kuwaasoo askarta weydiisanayay in loo caddeeyo sababa loo haysto caruurtooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya