4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 4 , 2013
Kooxo Hubeysan oo Deegaanka Libooyo ee Kenya ku Toogtay laba Ruux oo Kenyan oo la socday gaari Qaad siday

Talaado, Juun 04, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysn ayaa Isniintii shalay ku dilay deegaanka Libooyo ee Kenya laba ruux oo Kenyan ah, kaddib ay weerareen gaari qaad siday oo marayay deegaankaas oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Saraakiil u hadlay Kenya ayaa sheegay in kooxaha weerarka fuliyay ay ka mid yihiin Al-shabaab ayna toogteen laba qof oo gaariga xamuulka waday la socday, waxaana weerarkan uu ka dhacay Libooyo oo ku dhow deegaanka Dhamajaalle oo toddobaadkii hore ay weerareen Al-shabaab kuna dileen shan qof oo ay ku jireen laba sarkaal oo Kenyan ah.

“Kooxahan hubeysan waxay si dhuumaaleysi ah rasaas ugu fureen gaariga waxayna halkaas ku dileen laba qof, mid kalena way ku dhaawacmeen, si dhaqso ah ayayna  goobta uga baxsadeen,” ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Dhadhaab, Albert Kimathi oo warbaahinta la hadlay.

Guddoomiyuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in kooxihii weerarka geystay ay horay u kexeysteen gaarigii waday qaadka oo qiimihiisu ku fadhiyay malaayihiin shillinka Kenya ah, balse ma uusan sheegin halka ay la aadeen.

Xildhibaan Maxamed Daahir oo ah mudane laga soo doortay deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa sheegay inay nasiib-darro tahay in dadka si sharci-darro ah loogu laayo gudaha Kenay, isagoo xusay in tani ay cadedeyn u tahay mas’uuliyad-darrada dowladda Kenya.

Falkan ayaa kusoo beegmaya kaddib laba toddobaad oo kooxo hubeysan ay sidoo kale dhaceen gaari waday qaad oo marayay deegaanka Lafey-Mandheera ee dalka Kenya.

Deegaannada gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa waxaa soo food-saartay ammaan-darro xooggan tan iyo markii ay Kenay go’aansatay inay ciidamadeeda u dirto gudaha Soomaaliya dhammaadkii sannadkii 2011.

Weerarro kala duwan oo kooxo hubeysan ay ka geysteen magaalooyin ay ka mid yihiin: Nairobi, Mombasa, Mandheera, Gaarisa iyo Wajir ayaa waxaa ku dhintay 30 sarkaal oo ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya iyo dad badan oo shacab ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya