4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 4 , 2013
Al-shabaab oo Gaadiid ay wateen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku weerartay duleedka Degmada Baydhabo

Talaado, Juun 04, 2013 (HOL) — Xarakada Alshabaab ayaa ku weerartay dukeedka degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo kusii jeeday fariisin ay ku lahaayeen deegaanka Goof-guduud Shabeeloow.

Weerarka kaddib ayaa waxaa qarxay dagaal culus oo la isku adeegsaday hub culus iyo mid fudud wuxuuna dagaalku socday muddo laba sacadood ah, iyadoo la sheegay in dhinacyada ay kala gaareen khasaarooyin dhimasho iyo mid dhaawac.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoo la sheegay in weerarku uu ahaa mid gaadmo ah, balse ma jirto cid sheegi karta tirade askarta ah ee dhimatay iyo kuwa dhaawacmay.

Dadka deegaankaas ku nool ayaa sheegay inay arkeen dhimashada lix qof oo dhincyadii dagaalamay ka tirsaan, inkastoo dadka qaarkooday ay tirada intaas ka badinayaan, sababtoo ah meesha lagu dagaalamay waa meel aan la tagi karin weli waa goob dagaal.

Wararku waxay sheegyaan in rasaastii ay labada dhinac isku adeegsanayeen ay dishay xoolo u badan geel, raggii xoolahaas lahaan ayaa Baydhabo yimid iyadoo baqdin xooggan ay ka muuqato.

Hiiraan Online, Baydhabo