3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 4 , 2013
Madaxweynaha Kenya oo xarunta Madaxtooyada Nairobi ku Qaabilay wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland

Talaado, Juun 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Putland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo wefdi ballaaran oo uu horkacayo, kuwaasoo dhowrkii maalmood ee u danbeeyey ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa shalay kulan la qaatay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan madaxda dalka Kenya.

Mas’uuliyiiinta Kenya ee wefdiga Puntland qaabilayna waxaa kamid ahaa madaxweynaha dhowaanta la doortay Uhuru Kenyatta iyo wasiirka arimaha dibadda Aamino Maxamed jibriil.

Kulankan oo ka dhacay madaxtooyada Kenya (State House), ayaa ahaa mid ay labada dhinac isaga xog wareysanayeen xaaladda guud ee dalka iyo horumarradii ay Soomaaliya ka gaartey bilihii u danbeeyey dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay ka go’an tahay sidii Soomaaliya nabad iyo xasilooni loogu soo dabbaali lahaa, isagoo xusay in dowladdiisu ay kaalin mug leh ka qaadatay dadaaladii loo galay sidii ay Soomaaliya kumeel gaarnimada uga bixi lahayd.

Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa isna dhankiisa ka hadlay arimo ay kamid yihiin dhismaha maamulka Jubbaland iyo mowqifka ay Puntland ka taagan tahay, isagoo sheegay in Puntland ay taageersan tahay maamulka Jubbaland, qaabka lagu dhisayna uu yahay mid dastuurka waafaqsan.

Madaxweyne Faroole iyo wefdigiisa oo arbacadii lasoo dhaafay kasoo ambabaxay xarunta maamulka Puntland ee Garoowe, waxay sidoo kale intii ay Nairobi joogeen kulamo la qaateen xubno ka tirsan UN-ka iyo qaar kamid ah Soomaalida magaaladaas ku dhaqan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya













Click here
6/4/2013 8:54 AM EST
Talaado, Juun 04, 2013 (HOL) — Waxaa xalay si rasmi ah uga bilowday garoonka kubadda gacanta ee Timadda ee magaaladda Hargeysa wareegii kubadda gacanta (Basket Ball), kaas oo ay iskaga hor yimaadeen xulka gobolka Maroodi jeex iyo xulka gobolka Hawd.

6/4/2013 8:16 AM EST
Talaado, Juun 04, 2013 (HOL) — Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis ay ku kacayso 15-milyan oo doollar, kaasoo dib loogu dhisayo wasaaradda howlaha guud, isbitaalka Laasareeti iyo machadkii tababarka ee SIDAM, kuwaasoo ku burburay colaadihii sokeeye ee dalka soo maray.

6/4/2013 8:01 AM EST
Talaado, Juun 04, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysn ayaa Isniintii shalay ku dilay deegaanka Libooyo ee Kenya laba ruux oo Kenyan ah, kaddib ay weerareen gaari qaad siday oo marayay deegaankaas oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

6/4/2013 7:32 AM EST
Talaado, Juun 04, 2013 (HOL) — Xarakada Alshabaab ayaa ku weerartay dukeedka degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo kusii jeeday fariisin ay ku lahaayeen deegaanka Goof-guduud Shabeeloow.

6/4/2013 7:10 AM EST
Talaado, Juun 04, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta Muqdisho kusoo dhoweeyey madaxa hawlgalka cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Nicholas Kay oo u dhashay dalka Britain. Wuxuuna tilmaamay in hawlgalka cusub ee Qaramada midoobey ee Soomaaliya uu kalsooni buuxda siinayo Soomaalida oo dhan.