4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2013
Dowladda Soomaaliya oo Xabsiga Dhigtay Sheekh Xasan Daahir iyo xubnihii la socday ee xalay soo gaaray Muqdisho


Axad, Juun 30, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo xubno taageerayaashiisa ah oo la socday, kuwaasoo xalay fiidkii laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Amarka lagu xiray Sheekh Xasan Daahir iyo xubnaha la socday ayaa waxaa bixiyay sida la sheegay wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, iyadoo lagu xiray xabsi ay leeyihiin ciidamada nabadsugidda Qaranka.

Sheekh Xasan Daahir ayaa waxaa degmada Cadaado oo uu ku sugnaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay kasoo waday xildhibaanno ka tirsan dowladda iyo waxgarad kale, iyadoo xubnahaas qaarkood ay sheegeen in laga fara-maroojiyay.

Yuusuf Indhacadde oo ka mid ahaa xubnihii Cadaado ugu tagay Sheekh Xasan Daahir iyo xubnaha la socday isla markaana keenay Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada nabadsugiddu ay handadeen iyagiina la xiray, isagoo intaas ku daray in Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo wafdiga hoggaaminayay ahna xildhibaan ka tirsan dowladda Soomaaliya dhaawac uu kasoo gaaray gacan.

“Xabsiga ayaan ku jirnaa waana nala handaday, qaarkeen jir-dil ayaa naloo geystay, dowladduna waxay nooga baxday ballankii ay nala gashay oo ahaa inaan keeno Muqdisho Sheekh Xasan Daahir uuna nabad ku joogayo,” ayuu yiri Yuusuf Indhacadde oo horay u soo noqday wasiir u dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Illaa xalay saqdii dhexe ayaa waxaa ka taagnaa garoonka diyaaradaha muran ku saabsan halka la geynayo Sheekh Xasan Daahir iyo xubnaha la socday, kaasoo u dhexeeyay saraakiisha hay’adda nabadsugidda Qaranka iyo xubnihii Cadaado ka keenay, inkastoo ugu dambeyn laga fara maroojiyay.

Ma jirto mas’uul ka tirsan dowladda Somalia oo ka hadlay arrintan, balse warar ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir loo wareejiyay xabsi kale oo ay ku sugan yihiin ciidammo ajnabi ah, inkastoo aan si dhab ah arrintaas loo xaqiijin.

Sheekh Xasan Daahir ayaa waxaa la socday xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo kasoo raacay degmada Baraawe iyo xubno horay uga tirsanaa Xisbul Islaam oo kasoo raacay degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya