4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2013
Kulan Dhexmaray Ra'iisul Wasaaraha Australia iyo Ra'iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cabdiweli Gaas (SAWIRRO)


Melbourne, June 3 (HOL) -  shalayto oo taariikhdu ahayd 2nd June 2013, ayaa waxaa magaalada Melbourne ee dalka Australia kulan ku dhex-maray R/Wasaaraha Australia Julia Gillard iyo R/Wasaarihii  hore ee Somalia mudane Prof C/Weli Maxamed Cali Gaas.

Kulankaas ayaa Prof C/Weli ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay dowladihii Soomaaliya ilaa dalka Soomaaliya hadda ka baxay marxaladdii ku meel gaadhka ahaa, una gudbay dowlad rasmi ah. Prof C/Weli waxa uu ku booriyey R/Wasaaraha Australia Julia Gillard in dowlada Australia ay sii wado taageerada ay u fidiso dalka Soomaaliya, taageeradaas oo ku aadan dhinaca horumarinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Julia Gillard ayaa iyaduna dhankeeda cadeysay inay ku faraxsan tahay booqashada uu Prof C/Weli ku yimid Australia, isla markaana ay Australia diyaar u tahay in ay ka qeyb qaadato dib u dhiska dalka Soomaaliya.

R/Wasaarihii hore ee Somalia Prof C/Weli ayaa maalmihii la soo dhaafay booqasho ku joogay dalka Australia, isaga oo la kulmayey qeybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan Australia.

 Ujeedada safarkiisa ayaa ahayd in uu qurba joogta Soomaaliyeed ku dhiiri geliyo in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska dalkii hooyo, isaga oo nuxurka qudbadiisu ahayd in dadka Soomaaliyeed marka hore kaalin buuxda ka galaan dalkan Australia gudihiisa, markaas ka dib ayey caawin karaan Soomaaliya. Soomaalida Australia degan ayaan u kala hadhin soo dhaweynta R/Wasaarihii  hore ee Somalia mudane Prof C/Weli Maxamed Cali Gaas oo aad loogu ammaanay hawshii fiicnayd ee uu qabtay intii uu hayey xafiiska.