4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2013
Diyaaraddii sidday Xasan Daahir Aweys oo ka dagtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya gaaray Shiikh Xasan Daahir Aweys oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Xasan Daahir  ayaa waxaa Muqdisho geystay diyaarad ka soo qaadday Cadaado.


Xasan Daahir oo ay wehlinayaan xubno isugu jira Xildhibaanno, Oday dhaqameedyo iyo waxgarad kale ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo halkaasna ay ku soo dhaweeyeen Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ammaanka Xasan Daahir ayaa waxaa la wareegay Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee ALPHA GROUP ee wejiyada xirta, wuxuuna garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu ku salaamay dadkii ku soo dhaweeyay.

Imaanshaha Sheekh Xasan Daahir ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ka dambeysay kaddib wada hadallo ay xildhibaanno iyo mas'uuliyiin kale oo tagay degmada Cadaado ay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay kula lahaayeen halkaas, isagoo dhowr jeer diiday inuu magaalada Muqdisho tago, balse ugu dambeyn maanta ogolaaday.

Ammaanka garoonka diyaaradaha ayaa aad loo adkeeyay intii aysan soo cago-dhigan diyaaraddii kasoo qaaday degmada Cadaado, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab uu Muqdisho soo gaaro.

Xubnaha la socday Sheekh Xasan Daahir ayaa waxaa ka mid ah: madaxii warfaafinta ee Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin iyo afhayeenkii kooxdaas, Maxamed Cismaan Caruus oo kasoo raacay deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud iyo xubno horay uga soo raacay Baraawe oo aan magacyadooda la shaacin.

Sheekh Xasan Daahir ayaa toddobaadkii hore isaga iyo rag taageerayaashiisa ah waxay si dhuumaaleysi ah kaga soo baxeen xilli habeen ah xeebta degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay taageerayaashiisa kula dagaallameen kooxo taabacsan hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaan Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr.

Xasan Daahir Aweys ayaa horay u ahaa Guddoomiyaha Ururkii Xisbul Islaam, ka hor intii uusan ku biirin Al-shabaab oo uu ugu dambeeyay naftiisa kala soo baxsaday, waxayna ahayd maalmo ka hor markii uu isu soo dhiibay maamulka Ximan iyo Xeeb ee xaruntiisu tahay magaalada Cadaado.



Wixii kusoo kordha warkan kula soco wararkeenna dambe.

Salaad Iidoow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]