4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2013
Ciidamada AMISOM oo Qarax Miino lagula eegtay ee Baydhabo iyo Dagaallo ka socda Deegaanka Buur-Eyle ee Gobolka Bay

Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Ciidamada AMISOM ee Baydhabo ku sugan oo marayay suuqa afar irdoonka Baydhabo ayaa qarax miino lala beegsaday, iyadoo qaraxaas uu khasaare kasoo gaaray ciidamada Midowga Afrika iyo dad shacab ah oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Hal askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa ku dhintay laba kalena way k dhaawcmeen, iyadoo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen lix qof oo kale oo shacab ahaa, kuwasoo la geeyay isbitaalka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Dhanka kale, dagaallo xooggan oo maalintii labaad galay ayaa deegaan lagu magacaabo Buur-eyle ku dhexmaraya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab, iyadoo dagaalkaas uu dhaliyay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo dad shacab ah.

Inkastoo ay adag tahay in la helo warar faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ayaa haddana wararka la helayo waxay sheegayaan in dagaalkaas ay ku dhinteen lix qof oo isugu jira dhinacyada dagaalamaya iyo dad shacab ah, waxaana labada dhinac soo gaaray gurmadyo.

Dagaalkan ayaa qarxay markii ciidamada dowladda Soomaaliya ee saldhiga ku leh degmada Buur-haka ay weerarka ku qaadeen deegaaanka uu hadda ka socda dagaalka oo 40-km u jirta, waxaana dagaalkan uu noqonayaa kii ugu xoogganaa ee labadan dhinac ku dhexmara halkaas.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka lagu dagaalamayo ayaa laga soo xigtay dagaalku uu yahay mid culus oo ay dhinacyadu isku adeegsanayaan hubka nocoyadisa kala duwan oo ku jiraan madaafiic culus.

Xoogagga Al-shabaab ayaa horraantii sannadkan laga saaray degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay, iyagoo ku sugnaa tan iyo xilligaas deegaanno ku dhow degmadaas, halkaasoo ay weerarro goos-goos ah kasoo qaadayeen.

Wararka ku saabsan dagaalkan waxaad kula socon doontaa wararkeenna soo socda haddii Alle ogolaado.

Hiiraan Online, Baydhabo