4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 2 , 2013
Cayaarihii Gobollada Somaliland oo Galabta Billowday iyo Gobolka Maroodi-jeex oo 2-1 kaga badiyay Gobolka Saraar (SAWIRRO)


Axad, Juun 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa galabta si rasmi ah uga furay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium ciyaarihii gobollada ee Somaliland oo ay ka qaybgalayaan 13 kooxood oo ka socda gobollada Somaliland.

Xafladii furitaanka tartankan waxa ka soo qeyb galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanada Goleyaasha baarlamaanka Somaliland iyo kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa iyo dadweyne taageereyaal u ah 13-ka gobol oo ka kala yimid goboladda dalka.

Wasiirka Dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal oo ugu horayn ka hadlay xafladaasi, ayaa sheegay inuu u mahad celinayo xulalka 13-ka gobol ee Somaliland oo sanadkan soo wada xaadiray tartanka ciyaaraha goboladda dalka.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadal kooban ka jeediyay munaasibaddan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay furitaanka tartanka ciyaaraha goboladda dalka, waxaanu bogaadiyay 13-ka gobol ee dalka ee xulalkoodu ay ku loolamayaan tartankan.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in horumarinta ciyaaraha dalku yihiin himiladda iyo siyaasadda xukuumadiisa, waxaanu ammaanay Wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska ee soo agaasintay tartankan.

Tartankan waxa lagu furay xulalka gobolka Saraar iyo Maroodi-jeex oo ku wada jira Group-ka A, waxaana maanta ciyaartii guushu raacday gobolka Maroodi jeex oo 2-1 kaga badiyey gobolka Saraar.

Xulka Gobolka Maroodijeex  oo sanadkii hore soo qaaday koobka gobolada ayaa isku dayeya inuu mar labaad ku guulaysto koobka goboladda,

Labadan xul oo ku wada jira Group-ka (A) waxay soo bandhigeen ciyaar xiiso gelisay dadweynihii daawanayay waxaana daqiiqadii labaadba xulka Gobolka Maroodi-jeex la yimaadeen gool qurux badan oo uu u dhaliyay Ciyaaryahanka la yidhaahdo Maxamuud Cabdi Xasan (Koofindhe), hase yeeshee xulka gobolka Saraar oo qaaday weeraro is dabo-joog ah ayaa daqiiqado ka dib bar-bareeyay xulka Gobolka Hargeysa ee marti-gelinaya ciyaaraha goboladda.

Waxa xulka Saraar goolkaasi u saxeexay ciyaar yahanka Casaanyo oo sitay lambarada 17-aad kana mid ah weerarka Saraar.

Qeybtii hore ee ciyaarta oo gabo-gabo ah ayaa waxa ciyaartoyga gobolka Maroodi-jeex ay dhaliyeen goolkoodii labaad oo ka dib markii ay heleen gool ku laad, waxaana goolkaasna saxeexay isla ciyaartoygii goolka koowaad u dhaliyay ee Maxamuud Cabdi Xasan Koofindhe oo isla isaga lagu galay rikoodhahaasi.

Ciyaartan oo xamaasadeedu sii kordhaysay mar-marka ka dambaysa waxa labada xul ay ahaayeen kuwo is ceshanayay oo weerar iyo weerar celis ah.

Kooxda gobolka Saraar oo laga saaray hal ciyaartoy oo qaatay kaadhka cas, ayaa si mintidnimo ah u ciyaarayay. Waxa qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 2-1 ay xulka Maroodi-jeex ku hoggaaminayeen.

Tartankan waxa ka qeyb qaadanaya Goboladda Maroodijeex, Awdal, Gabiley, Hawd, Buuhoodle, Sool. Sanaag, Badhan, Saraar, Tog-dheer, Saaxil, Salal iyo Daad-madheedh. Ciyaartoyga xulalka gobolada oo sita calamo iyo astaamaha goboladooda ayaa socod ku maray garoonka, iyadoo ciidanka Baamboydu ay u garaacayaan muusiga heesta calanka Somaliland.







Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland