3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 14, 2013
Nin Somali ah oo Magaalada St. Louis ee dalka Mareykanka ku dilay Saddex oo ay shaqo ka dhexeysay, isagiina uu is-dilay


Jimco, Juun 14, 2013 (HOL) — Nin Soomaali ah ayaa dalka Mareykanka ku dilay saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen haween, isagiina goobta ayuu isku dilay, sida ay sheegeen booliiska magaalada St. Louis Missouri.

Ruuxan toogtay saddex qof ee ragga iyo dumarka isugu jiray ayaa la xusay in qaarkood ay doonayeen inay shirkad wada-furtaan, balse uu si lama filaan ah u toogtay iyagoo ku sugan goobtii laga furi lahaa xarunta ganacsi shalay oo Khamiis ahayd.

Fu’aad Maxamuud Sheekh oo ay wada dhasheen wiilka falkan lagu dilay ayaa u sheegay VOA-da in ninka wax toogtay iyo walaalkiis iyo labada qof ee  dumarka ah uu muran ka dhexeeyay.

“Waxaa jiray maalmahan muran ku saabsan furitaanka xarunta ganacsi oo u dhexeeyay walaalkey iyo ninka wax dilay, xarunta ganacsiga waxaan anigu ku daray lacag, dhowr jeer ayuuna walaalkey is soo wacay si aan goobtaas u furo, balse waxaa i soo gaaray warkan nasiib-darrada ah,” ayuu yiri Fu’aad oo sheegay in booliisku ay weli baaritanano wadaan.

Kabtan Michael Sack oo ka tirsan booliiska magaalada St. Louis ayaa isaguna sheegay in qofka wax toogtay uu is-dilay, wuxuuna sheegay in dadka goobta ku dhintay ay isugu jireen laba rag ah oo uu ku jiray ninkii wax dilay oo isna is-toogtay iyo laba dumar ah.

Sidoo kale, Fu’aad ayaa sheegay in walaalkiis uu deggenaa gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka uuna halkaas dhawaan ka yimid si uu u furo ganacsigan cusub, isagoo sheegay in ninka wax toogtay u qabay mid ka mid ah haweenka la toogtay habar-yarteed.

Falkan wuxuu argagax weyn geliyay dadka Soomaalida ah iyo dadka kale ee Mareykanka ah ee deggenaa magaaladaas, iyagoo ku tilmaamay fal fool xun oo aad looga naxo.

Waa markii ugu horreysay oo ruux Soomaali ah oo ku nool Mareykanka uu ku kaco falkan oo kale, iyadoo booliiska magaaladaas aysan weli soo saarin wax warbixin ah oo ku saabsan magacyada dadka la dilay iyo sababta keentay in ninkan is-toogtay uu falkan u geystay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/14/2013 12:31 PM EST
Kulan ay soo qabanqaabiyeen xaafadaha ku dhaw xaruuntii Bravanece Centre ee dhawaan la gubay ayaa lagu qabtay magaalada London. Waxaa warbixintaan noo soo diray Ibraahim Baafo.

6/14/2013 8:54 AM EST
Jimco, Juun 14, 2013 (HOL) — Kulan golaha wasiirrada xukuumada Somalia ay ku yeesheen Muqdisho shalay oo Khamiis ahayd ayay ku go’aamiyeen in shirkad laga leeyahay dalka Turkiga lagu wareejiyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo ay gacanta ku haysay saddexdii sano ee lasoo dhaafay shirkad lagu magacaabo SKA.

6/14/2013 8:35 AM EST
Jimco, June 14, 2013- Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo bandhigay Nairobi warbixin ku saabsan wadciga dhabta ah ee ka jira gobollada Jubbooyinka iyo waxa dastuurka Soomaaliya uu ka qabo maamul u samaynta gobolladaas.

6/14/2013 7:40 AM EST
Jimco, Juun 14, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay ogolayn in Somaliland laga furo qaybta siyaasadda ee xafiiska cusub ee Qaramadda midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM.

6/14/2013 7:18 AM EST
Jimco, Juun 14, 2013 (HOL) — Kulana ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku yeesheen xaruntooda 13-kii bishan Juun ayay kaga hadleen xiisadaha ka taagan gobollada Jubbooyinka, gaar ahaan xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo.

6/14/2013 6:47 AM EST
Jimco, Juun 14, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Bay, Xasan Macallin Maxamed (Biikole) ayaa isagoo warbixin siinayay idaacadda ee Radio Warsan ayaa qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay sida UNICEF iyo UNDSS ay hortaagan yihiin waxqabadka degmada Baydhabo.

6/14/2013 6:27 AM EST
Jimco, Juun 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa martiqaad rasmi ah ka helay ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron si uu uga qeybgalo xafladda loo sameynayo boqortooyada dalkaas ee 15-ka Juun oo ku beegan maalintii ay dhalatay iyo shirka hordhaca ee G8 ee sabtida berri isla 15-ka Juun 2013 ka furmaya London.

6/14/2013 6:21 AM EST
Jimco, Juun 14, 2013 (HOL) — Wasiirka caafimaadka Somaliland, Dr:Xuseen Muxumed Maxamuud (Xuseen Xoog), ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay caruurtoodda ka talaalaan cudurka Dabaysha oo uu sheegay inay dalalka jaarka ka bilaabantahay halisna ugu jirto inay si dhakhso ah usoo gaadho Somaliland.

6/14/2013 6:14 AM EST
Jimco, Juun 14, 2013 (HOL) — Ciyaartoygii gobolka Togdheer oo maalmihii u dambeeyey ku jiray xabsiga Mandheera, ayaa shalay dib xoriyadoodii loogu soo celiyey.