4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 14, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo go’aan ku gaartay in garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho lagu wareejiyo shirkad Turki ah


Jimco, Juun 14, 2013 (HOL) — Kulan golaha wasiirrada xukuumada Somalia ay ku yeesheen Muqdisho shalay oo Khamiis ahayd ayay ku go’aamiyeen in shirkad laga leeyahay dalka Turkiga lagu wareejiyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo ay gacanta ku haysay saddexdii sano ee lasoo dhaafay shirkad lagu magacaabo SKA.

Wasiirka waraafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka xukuumada Somalia, C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo kaddib kulanka la hadlay wabaahinta ayaa sheegay inay kasoo baxeen shirkii golaha wasiirrada dhowr qodob oo ay ka mid tahay in lagu wareejiyo garoonka diyaaradaha Muqdisho shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

“Goluhu wuxuu go’aan saday in shirkad dalka Turkiga laga leeyahay lagu wareejiyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxayna ballan-qaadday shirkaddan in mudo siddeed bilood ah ay kusoo kordhin donto garoonka isbadal dhan kasta ah,” ayuu yiri wasiirka oo warbaahinta la hadlayay kulankooda kaddib.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa duulimaad caalami ah ku timaadda diyaarad laga leeyahay dalka Turkiga, taasoo noqotay tii ugu horreysay oo duulimaad caalami ah dalka ka sameysa muddo 22-sano ah kaddib.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in go’aannadii ay golaha wasiirradku ku gaareen shirkooda uu ka mid yahay in deeqaha ee dalka soo mara lasoo mariyo wasaaradda arrimaha Maaliyadda iyo Lacagta, isagoo sheegay inaan la ogolaan doonin in deeqaha la marsiiyo hay’adaha aan dowliga ahayn.

Wasiirku wuxuu sheegay in sidoo kale lagu ansixiyay shirkii golaha wasiirrada sharciga duulista cirka iyo saadaasha hawada, kaasoo uu xusay in ahmiyad gaar ah uu u leeyahay kobcinta dhaqaalaha dalka, abuurista shaqooyin gudaha dalka ah iyo inay soo noqoto karaamadii Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu sheegay in la isku raacay in lasoo celiyo dabaal-dagyadii loo sameyn jiray maalinta Qarannimada dalka isagoo xusay in 26-ka Juun iyo 01-da Luuliyo ay dhici doonaan dabaal-dagyo lagu weynaynayo maalmahan.

Wasiirku ma sheegin in go’aannadan ay yihiin kuwo la marin doono golaha baarlamaanka Soomaaliya si loo ansixiyo iyo inay yihiin kuwo aan la marinayn howluhuna ay billaabn doonaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya