4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 14, 2013
Xildhibaanno Somali ah oo ku Qabtay Magaalada Nairobi kulan looga hadlay Mushkiladaha ka taagan Jubbooyinka (SAWIRRO)

PIC2.jpg
Jimco, June 14, 2013- Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo bandhigay Nairobi warbixin ku saabsan wadciga dhabta ah ee ka jira gobollada Jubbooyinka iyo waxa dastuurka Soomaaliya uu ka qabo maamul u samaynta gobolladaas.

Xildhibaanada kulanka soo qabanqaabiyay oo kala ahaa Xildhibaan Maxamuud Guure, Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil, Xildhibaan Carab Ciise, Xildhibaan C/laahi Goodax Barre iyo Xildhibaan C/laahi Jaamac .

Waxayna mudanayaashani isugu yeereen inta badan safiirrada iyo diblamaasiyiinta wadamada caalamka u fadhiya dalkani Kenya iyagoo halkaas ku soo bandhigay warbixin ay ku faahfaahinayaan sida dastuurka iyo sharcigu uu dhigayo in loo maro qaabka maamul u samaynta gobollada Jubbooyinka.

Warbixinta oo ay akhriyeen Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo Xildhibaan Maxamuud Guure ayaa lagu sheegay in qaabkii loo maray shirkii lagu soo doortay Sheekh Axmed Madoobe inuusan ahayn qaab waafaqsan dastuurka federaaliga ah ee dalka u degsan.

“Maqabo dastuurku in qabaa’il isu tagaan ee wuxuu qabaa in gobol iyo wax ka badani ay isu yimaadaan si ay u buuxiyaan shuruudaha laga doonayo maamul goboleed” ayaa lagu yiri warbixinta.

PIC.jpg

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in kadib markii ay gudigii dawlada ee ku sugnaa Kismaayo ay sameeyeen xog aruurin ballaaran ay ku ogaadeen in dadweynaha gobolladaas ay kasoo horjeedaan maamuladii looga dhawaaqay Kismaayo ayna doonayaan in dawlada Soomaaliya ay hormuud ka noqoto tillaabooyinka maamulka loogu samaynayo Jubbooyinka.

Xildhibaanadan ayaa sidoo kale beesha caalamka iyo urur goboleedka IGAD uga mahad celiyay go’aanadii ay qaateen ee lagu meelmariyay in dawlada Soomaaliya looga dambeeyo marka loo samaynayo maamulada gobollada dalka.

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hormuud ka noqonaysa isu keenida, maamul u samaynta iyo dib u heshiisiin ballaaran oo ka dhacda dalka ayaa lagu yiri warbixintii maanta.

Xildhibaanadii kulanka manta soo qabanqaabiyay ayaa sheegay in shirka ay kasoo qaybgaleen diblamaasiyiin kakala socota in ka badan 22 dal oo ay kamid yihiin inta badan wadamada reer galbeedka ee daneeya arrimaha Soomaaliya gaar ahaanna Maraykanka iyo Talyaaniga.

Wasiirkii hore ee qorshaynta iyo xiriirka caalamigaa ee Soomaaliya C/laahi Goodax barre oo gabagabadii kulankaas la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in kulankoodii uu ku soo dhammaaday si guul ah, ayna garawshiiyo ka heleen safiirada kakala socday caalamka ee shirkaas kasoo qaybgalay, kuwaasoo qiray inay dawlada Soomaaliya ay tahay mida iska leh masuuliyada iyo isu keenida bulshooyinka Soomaaliyeed ee doonaya inay maamul goboleedyo ka samaysmaan dalka.

PIC3.jpg
PIC4.jpg
PIC5.jpg
PIC6.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya