4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2013
Qowmiyadda Soomaali Bantu oo Shir ku Saabsan Arrimaha Jubbooyinka Ku yeeshay Magaalada St. Louis ee Gobolka Missouri


Khamiis, June 13, 2013(HOL)—Shirkaan waxaa ujeedkiisa ahaa wadatashi ay qowmiyadda ka yeelatay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Jubbooyinka. Shirkaan waxaa kasoo qeyb galey Odayaal, Waayo-arag, Siyaasiyin, Dhalinyaro, Haween iyo culumaa'udiin.

Shirkan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa soo qabanqaabisay Somali Bantu National Association Network oo uu gadoomiye ka yahay  Sheikh Abdirahman Weliyow, waxaana looga arrinsaday shirka horumarinta bulshada iyo Jaaliyadda Somali Bantu ee ku dhaqna waddanka mareykanka.

Sanadkaan waxaa ku soo kordhay shirka wadatashiga arrimaha Soomaliya gaar ahaan Jubbooyinka iyo sidii xal loogu heli lahaa arrimaha murugsan ee Soomaaliya. Dadka shirka kasoo qeybgaley waxay marka hore cambaareeyen dagaalladii  ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxayna ugu baaqeen dadka  dagaallamaya in ay si degdeg ah dagaallada ujoojiyaan ee masaakiinta. Waxaa kale oo ay Dowladda federalka ugu baaqeen in ay tillaabo kasta oo macquul ah qaaddo si shacabka iyo maatada u badbaadaan.

 

Waxaa meesha ka hadley masuuliyiin ka kala socdaan hay’adaha Somali Bantu. Waxaa ka midka ah Guddoomiyaha guud ee Beesha Shambare Osman Hussien Soonjo iyo guddoomiyaha Jaaliyadda Somali Bantu ee magaalada Phoenix, Arizona Abdi Mudasir (Abdi Muda).

 


Guddoomiye Osman Soonjo  ayaa madasha ka caddeeyay  in deegannada Reer Goleedka Jubbooyinka ay  kusoo duuleen dad ka kala yimid waddamada Kenya iyo Ethiopia iyo qaar kale oo ka yimid deegaanno ka tirsan Puntland. Wuxuu ugu baaqay dadka uu sheegay in ay duullaanka kusoo qaadeen Jubbooyinka in ay arimahah Jubbooyinka faraha kala baxaan, haddii kale buu yiri ay iyagu  kag o’an tahay in ay ka difaacdan cadowga ku soo duuley deegankooda “Jubbooyinka waxaa iska leh Reer Goleed ama Beesha Shambare ee Reer Puntland haka fogaadaan faragelinta Jubbooyinka” ayuu yiri guddoomiye Mr Soonjo.

 Waxaa kale meesha ka hadley Siyaasiga Osman Hussein Arbow oo dhawaan ka yimid magaalada Muqdisho  isagoo ka warbixiyay  xaaladda dalka meesha u maraayo oo ugu baaqey dhalinyarada iyo jaaliyadda Somali Bantu in ka qeybqaatan dib udhiska iyo maalgashiga dalkooda hooyo ee Soomaaliya.