4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2013
Madaxa Xafiiska Qarammada Midoobay ee UNSOM oo Maanta safarkiisii ugu Horreeyay ku tagay Magaalada Hargeysa

Khamiis, Juun 13, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay iyo xubno la socday ayaa maanta tagay Hargeysa si uu kulammo ula yeesho madaxda Somailland oo uu ugu horreeyo Axmed Siilaanyo oo ah madaxweynaha maamulka Somaliland.

Booqashada uu ergaygu ku tagay Hargeysa ayaa noqonaysa tii ugu horreysay tan iyo markii xilkan uu la wareegay hoggaantii bishan Juun, wuxuuna xilligaas sheegay in Hargeysa ay ka mid tahay goobaha ay ka furan doonaan xafiisyada.

“Waxaan Hargeysa u imid xilli aad u horreeya oo ka mid ah wakhtiga ay shaqadaydu billaabantay si aan u muujiyo in Qaramada Midoobay ay taageerayso himilooyinka nabadda iyo barwaaqada,” ayuu Kay yiri markii uu Hargeysa ka dagay saakay oo Khamiis ah.

Wakiilku wuxuu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar, iyadoo lagu wado inuu caawa fiidkii kulankiisii ugu horreeyay la yeesho madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanayo.

“Somaliland waa jasiirad nabdoon oo xasiloon oo ku taalla gobol aan xasiloonayn, waxaan rumaysanahay inay jiraan casharo laga baran karo halkan oo ku saabsan sidii nabadda gobolka loo dhisi lahaa. Sidaas daraadeed, waxanu halkan u nimid inaanu wax ka-baranno isla markaana taageerno hindiseyaal horseedaya nabad waaarta, xasilooni iyo barwaaqo,” ayuu hadalkiisaa ku daray.  

Hawsha loo igmaday UNSOM waa inay gacan ka gaysato dhismaha awoodda wax-qabad ee Qaranka, adkaynta nabadda, iyadoo ahmiyadda la siinayo maamul-wanaagga, dibuhabeynta hay’adaha amniga, sharciga iyo kala dambeynta, xuquuqda aadamaha, dhex-dhexaadinta wada-xaajoodyada iyo isku-dubaridka kaalmooyinka caalamiga ah.

Ergayga Qaramada Midoobay wuxu yidhi: “Waanu ka warqabnaa dadaalka Somaliland ee la xiriira xoojinta hay’adaha dimuqraadiyadda iyo meel-marinta dimuqraadiyadda iyadoo Somaliland qabatay doorashooyin soo noqnoqday. Sidoo kale waxaan ka warqabnaa inay jiraan caqabado la xiriira nidaamka cadaaladda iyo hay’adaha quseeya iyo weliba xeerka dhaqanka ee la xiriira, waxanu diyaar u nahay inaanu taageero ka gaysano sii xoojinta ku dhaqanka sharciga.”  

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu sheegay in UNSOM ay diyaar u tahay inay gacan ka gaysato wada-hadallada Somalia iyo Somaliland. “Booqashadani waxay hordhac u tahay booqashooyin badan oo aan Somaliland ku imaan doono waxaana iga go’an wada-shaqayn miro-dhal ah. Xafiiska Hargeysa wuxuu xiriir hor leh la yeelan doonaa maamulka iyo bulshada rayidka ah si loogu kuur-galo meelaha la iska kaashan karno.”

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya