4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2013
Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen cusub oo kusoo baxay doorashadii Madaxnimo ee Maamulka Ximan iyo Xeeb

Khamiis, Juun 13, 2013 (HOL) — Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen cusub ayaa maanta loo doortay maanta maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka tiliya deegaanno ka yaalla bartamaha Soomaaliya, waxaana xubnahan cusub ee la doortay maanta u codeeyay 23-ka xubnood ee baarlamaanka maamulkaas uu ka kooban yahay.

Madaxweynaha cusub ee la doortay oo lagu magacaabo, Cabdullaahi Cali Maxamed Kadiye ayaa waxaa la tartamay laba murashax o kale, oo kala ahaa Cismaan Maxamed Cali (Cismaan Dheere) iyo Cali Amiin Sayid Axmed, isagoo codadkiid doorashada oo ahaa kuwo qarsoodi ah ka helay 20-cod, labada murashax ee kale ay kala heleen saddexdii cod ee kale.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka cusub oo loo doortay Cabdi Maxamed Axmed ayaanay jirin cid la tartantay, isagoo helay 22-cod oo ka mid ahaa 23-kii cod ee xubnaha baarlamaanka maamulkaas, halka codkii kalena uu noqday mid hallaabay.

“Waxaan ku faraxsanahay xilka la ii doortay, waxaana ballanqaadayaa inaan ku shaqeyn doono cadaalad, kana shaqeyn doono horumarka deegaannada uu maamulka ka taliyo iyo dadka ku nool,” ayuu yiri madaxweynaha cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb.

Labadii murashax ee looga adkaaday doorashada madaxweynenimada oo ka hadlay iyaguna goobta ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin sida uu codku ku dhacay, waxayna xuseen inay u hambalyeynayaan murashaxa la doortay ayna la shaqeyn doonaan.

Goobta ay codeyntu ka dhacaysay ayaa waxaa goobjoog ku ahaa Maxamed Aadan Tiiceey oo ahaa madaxweynihii maamulka Ximan iyo Xeeb iyo xubno ka tirsan maamulkiisii, kuwaasoo iyaguna u hambalyeeyay madaxda cusub ee xilka kala wareegaya.

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ka mid ah maamullada ka jira bartamaha Soomaaliya, inkastoo uusan aqoonsi buuxa ka haysan dowladda Soomaaliya ee cusub, waxaana horay safar ugu tagay madaxweynihii hore ee Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya