4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta sagootiyay danjirihii hore ee Britain u joogay Soomaaliya Matt Baugh (SAWIRRO)


Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xaflad sagootin ah ugu sameeyay Villa Soomaaliya dajirihii hore ee Britain u joogay Soomaaliya, Matt Baugh kaddib markii ay u dhamaatay howshiisii shaqo ee Soomaaliya.

Dalka Britain ayaa dhawaan Soomaaliya u soo magacowday dajire cusub oo bedelaya Baugh, kaddib markii xukuumadda Ingiriisku ay dib uga furatay safaaraddeeddii Soomaaliya kaddib 22-sano.

“Saaxiibkeen Matt Baugh, waxuu u noqonayaa London kaddib markii ay u dhammaatay saddex sano oo uu howl aan macquul oo suurogasha uu ka qabtay Soomaaliya. Howl-karnimadiisa dheeraadka ah iyo hoggaankiisa dublomaasiyadeed ayaa xoojisay in Britain ay taageerto Soomaaliya iyo in Soomaaliya ay kusoo noqoto beesha caalamka,” ayuu madaxweynuhu ka yiri shir jaraa’id oo ay wada-qabteen isaga iyo Matta Baugh.

Madaxweynaha oo sii hadlay aya yiri: “Soomaaliya aad bay uga xun tahay sagootinta Matt Baugh, laakiin waxuu nooga tagayaa dalkiisa oo horseed ka noqonaya arrimaha Soomaaliya sanooyinka soo socda. Degennaanshihiisa iyo kartidiisa ayaa waxay ku qasabtay caalamku inuu fahmo in ay muhiim tahay in la saacido Soomaaliya.”

Sidoo kale, Xasan Sheekh wuxuu sheegay in markii uu Matt Baugh imanayay uu ahaa u qaabilsanaha Britain ee arrimaha Soomaaliya wuxuuna markii dambe noqday safiirkii uu horreeyay ee Soomaaliya tan iyo 1991-kii oo uu Muqdisho ka furay safaaradii UK.

“Dadaalkii Baugh ayaa suuro-geliyey in labo shir oo caalami ah lagu qabto magaalada London sanadihii 2012 iyo 2013, kuwaasoo uu marti-geliyey ra’iisul wasaaraha UK, David Cameron,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa mar kale yiri: “Shaki iigama jiro markii aad imaanaysay Soomaaliya in la lahaa rajo ma jirto, ma jirin Road-map, mana jirin nabad iyo horumar oo waxay u muuqatay inaysan jirin hab looga baxo, hase ahaatee dadaalkaagii wuxuu keenay isbedel rajo, Roadmap, nabad, horumar iyo waddadii loo mari lahaa nabadda.”

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda UK ay oggaatay in caqabadaha ku hor-gudban Soomaaliya sida: argagaxisada, xag-jirnimada, burcad-badeednimada, fowdada, gaajada, waxbarasho la’aanta, caafimaad darrada, macluusha iyo qaxootiga ay dhammaantood yihiin arrimo caalami ah oo u baahan xal caalami ah, taana ay tahay midda keentay in UK ay door hogaamineed qaadato

Dhanka kale, Matt Baugh oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in Soomaaliya ay dib u dhalanayso, sidoo kalena uu ka xun yahay inuu ka tago, balse uu xiligii shaqo uu u dhamaaday.

Maalin ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya uu sidan oo kale xaflad sagootin ah ugu sameeyay Villa Somalia eragaygii hore ee UN-ka ee arrimaha Soomaaliya iyo madaxii xafiiska UNPOS, danjire Augustine Mahiga oo lagu badelay ergay cusub.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya