4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Xarunta AMISOM kula kulmay Maanta Wafdi ka socday Ururka Midowga Yurub (SAWIRRO)


Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kula kulmay xerada Xalane ee Muqdisho wafdi ka socday ururka Midowga Yurub, kuwaasoo uu kala hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo kaalmada Midowga Yurub.

Kulan albaabbadu u xirnaayeen kaddib ayaa waxaa shir jaraa’id wadajir u qabtay madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxa guddiga siyaasadda iyo amniga Midowga Yurub, Olof Skoog oo hoggaaminayay wafdigan.

“Wafdigan waa kuwii ugu sarreeyay ee go’aan qaadashada Midowga Yurub waxayna nooga yimaadeen dalka Belgium si ay noogala hadlaan shirka lagu qaban doono bisha September ee sannadkan magaalada Brussels ee dalka Belgium kaasoo ay si wadajir ah u guddoomin doonaan aniga iyo Catherin Ashton,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in wafdigan ay faahfaahin dheer ka siiyeen waxyaabihii dowladda u qabsoomay, wixii aan qabsoomin iyo sidoo kale waxa aan doonayno inaan hadda qabanno.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu uga mahadceliyay wafdigan sida ay mar walba Midowga Yurub u garab taagan yihiin Soomaaliya, isagoo sheegay in dhawaan ay go’aamiyeen in Soomaaliya ay ka dib ugu noqoto xubinnimadii heshiiskii Cotonou oo fursad u siinaya Soomaaliya in dib u dhis ay hesho.

Dhanka kale, waxaa isagana goobta ka hadlay madaxii hoggaaminayay wafdiga, Olof Skoog oo sheegay in imaanshadooda Muqdisho ay tahay sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda dalka ayna ugala hadli lahaayeen madaxda Soomaalida shirka Brussels iyo horumarka la sameeyay.

“Waxaan u jeednaa Soomaaliya cusub oo dhalatay, waxaana diyaar u nahay inaan taageero la garab taagnaano tan iyo inta ay cagaheeda isaga taagayso,” ayuu Skoog ku yiri shirka jaraa’id.

Xubnaha wafdigan ayaa waxay ka koobnaayeen 18 xubnood oo ay ku jireen qaar ka mid ah danjirayaasha dalalka Yurub qaarkood u fadhiya Soomaaliya iyo kuwo kale, waxaana intii uu shirku socday ammaanka goobta sugayay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya