3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 11, 2013
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo ku baaqay in shacabku ay qayb ka qaataan Ciribtirka Cudurka Dabeysha (SAWIRRO)


Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Madaxda dowladda Soonaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qaybqataan sidii Soonmaaliya looga cirib-tiri lahaa cudurka halista ah ee dabeysha, kaddib markii ay madaxdu ka hadleen kulan ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha bulshada oo ka dhacday Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay ka faa’iideystaan fursadda tallaalka dabeysha, iyagoo goobta isaga tallaabay cudurka.

Munaasabadda ayaa ahayd mid lagu xoojinayay muhiimadda uu tallaalka dabeyshu u leeyahay bulshada, iyadoo sheegay in Soomaaliya ay ka mid noqotay afar dal oo keliya oo dib looga helay cudurkan dunida oo dhan.

Wasiiradda arrimaha bulshada, Marwo Maryam Qaasim oo munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in sannadkii 2007 laga cirib-tiray Somalia cudurkan dilgaaga ah, balse uu dib loogu arkay dad Soomaaliyeed oo uu cudurkan ku dhacay.

“Cudurkan waa mid dawo lahayn, balse wuxuu leeyahay ka hortag waana in la iska tallaalo,” ayay tiri wasiiradda oo sheegay in cudurkan uu dadka naafo ka dhigo, iyagoo intaas intaas ku dartay in cudurkan laga helay wiil 13-jir ah taasina ay keentay in xitaa dadka waaweyn laga tallaalo cudurkan halista ah.

Wasiiradd oo sii hadlaysa ayaa tiri: “Waxaa cudurkan laga tallaabay tan iyo bishii May ee sannadkan 600,000 oo qof oo, haddana ay rajeynayaan in lixda casho ee soo socota laga tallaalo in ka badan afar milyan oo qof oo Soomaali ah.”

Madaxdii ka hadashay goobta ayaa waxaa ka mid ahaa mas’uul ka socday Qaramada Midoobey, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha oo dhammaantood ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay fursadan ka faa’iideystaan. Madaxweynaha ayaa yiri: “Aniga ayaa billaabaya tallaalka si aan shacabka u tusno in tallaalku uu faa’iido u yahay dhibaatana uusan u keenayn, waana mid badbaadinaya in cudurka halista ah uu qofka ku dhaco. Cudurkan ka hortag buu leeyahay oo ma laha daawo, tallaalkii aan uga hortagi lahayna waa naloo keenay ee aan u midowno inaan iska wad tallaalno, ugana mahadcelino beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay oo noo keenay tallaalkii ka hortagga cudurka dabeysha.”

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/11/2013 2:25 PM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) —Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka mid ah ragga isku haysta xilka madaxweyne ee maamulka Jubbaland ee bishii hore looga dhawaaqay Kismaayo ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud.

6/11/2013 1:50 PM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) —Maxaabiis iyo gaadiid muddo dheer ay kala haysteen maamullada Somaliland iyo Khaatumo ayaa makhribnimadii shalay oo Isniin ahayd lagula kala wareegay duleedka degmada Xuddun ee gobolka Sool.

6/11/2013 8:50 AM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Maroodi jeex, ayaa maanta soo saartay amar ay ku xayirayso wargeyska madaxa banaan ee Hubaal oo Hargeysa ka soo baxa.

6/11/2013 8:37 AM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Howgallo lagu soo qabqabtay boqolaal qof oo dhallinyaro ah ayay booliiska Soomaaliya kuwa AMISOM waxay maanta ka sameeyeen degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda Suuqa xoolaha.

6/11/2013 8:22 AM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Dab khasaare geystey ayaa abbaare 10:00-kii barqonimo ee maanta ka kacay mid kamid ah xeryaha barakacayaasha ee magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

6/11/2013 7:05 AM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay maanta in xiisadaha ka taagan degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ay ku wajibi doonaan qaab wadahadal iyo nabad ah.

6/11/2013 4:01 AM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Tababar soconaya muddo afar maamood ah ayaa wuxuu uga furmay dugsiga tababarrada Booliska Soomaaliyeed ee Jeneral Kaahiye 14-sarkaal oo ah taliyayaasha booliiska Soomaaliyeed ee gobollada dalka.