4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2013
MADAXWEYNAHA SOMALIA: “Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo Dagaallada Kismaayo oo aysan xabbad dambe dhicin”

Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xiisadaha ka taagan magaalada Kismaayo ayaa ku baaqay in dagaallada la joojiyo, lagana soo qaybgalo shirweyne ay dowladdu u qabanayso dadka ku nool Jubbooyinka.

Xasan Sheekh wuxuu xusay inuu walaalihiisa ku nool Kismaayo ugu baaqayo inay joojiyaan xabbada oo aysan xabbad dambe dhicin, isagoo sheegay in horay loogu soo daalay in qoriga caaraddiisa lagu gaaro mansab, balse loo baahan yahay in khilaafyada jira lagu dhameeyo nabad.

“Magacayga iyo magaca shacabka Soomaaliyeed ee aan madaxweynaha u ahay waxaan idin kaga codsanayaa inaad dagaalka ku joojisaan, yaana lagu waayin dagaalladan dadkii naftooda u soo huray dalkaan,” ayuu shir jaraa’id ku yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Waxgaradka iyo odayaasha magaalada Kismaayo ayuu ugu baaqay inay ka saaran tahay mas’uuliyad inay colaadda joojiyaan, isagoo dadka siyaasadda isku-hayana uu ugu baaqay inay ka faa’iideystaan waayo-aragnimadii hore ee laga dhaxlay colaadaha dalka uu soo maray..

“Siyaasiyiinta deegaankaas kasoo jeeda ee daneynaya siyaasadda waa inay wax ku qaataan waayo-aragnimadii aan ka dhaxalnay dagaallada oo aysan xabbad wax ku raadin,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladda ay dhawaan qaban doono shir-weyne la isugu keenayo dhammaan dadka ku nool Jubbooyinka kaasoo ah id looga hadlayo walaalnimada, is-qadarinta iyo maamul ay leeyiiin shacabka kasoo jeeda deegaankaas oo la sameeyo, waxaana dhawaan soo saaraynaa taariikhda uu dhacayo shirkaas iyo dadka loo qaateenka ah ee qaban-qaabin doona.

“Haddii waxa hadda jira ay raalli ka yihiin iyagaa go’aan ku gaaraya, haddii ay wax cusub inay la yimaadaan ay doonayaanna iyaga ayaa go’aankeeda iska leh, dowladdu doorkeeda ku aaddan shirkaas waa inay fududeyso oo keliya,” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Waa markii ugu horreysay oo madaxweynaha Soomaaliya uu si toos ah uga hadlo dagaalladii ka dhacay magaalada Kismaayo, iyadoo dagaalladaas ay sababeen khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo soo gaartay shacabka ku nool magaaladaas iyo dhinacyadii dagaalamayay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya