4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2013
Maayarka Hargeysa oo Sheegay in Heshiish Wax-qabad ay kala Saxiixdeen Dowladda Hoose ee Stockholm (SAWIRRO)


Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) —Waftigii uu hogaaminayey Maayarka magaaladda Hargeysa, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaaladda Hargeysa, ka dib markii dhawr toddobaad safar shaqo ku maqnaayeen dalka Sweden oo ay casuumad ka heleen maayarka magaaladda Stockholm ee dalkaasi. 

Maayarka magaaladda Hargeysa Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltolco), ayaa sheegay inay dawladda hoose magaaladda Stockholm ay kala saxeexdeen inay mataaneeyaan labadda caasimadood ee Hargeysa iyo Stockholm.

“Safarkayagu waxay ahayd casuumad aanu ka helnay dawladda hoose ee Stockholm oo ahayd casuumadii ugu horeysay ee hab dawladeednimo inooga timaada Sweden, waxaana ka wada hadalnay laba arrimood, mataanaynta labada caasimadood iyo furista xarunta horumarinta gudaha iyo qurbojoogta (Center for local development and Diaspora) oo Hargeysa laga furi doono, xafiiskaasi oo xidhiidhin doono horumarka gudaha iyo jaaliyadaha, oo ay mashaariic badan ka fulin doonto dawlada hoose ee Stockholm”ayuu yidhi maayarka magaaladda Hargeysa Cabdiraxmaan Caydiid oo ka hadlayey safar ay ku tageen Sweden, waxaanu intaas ku daray “waxa kale oo aanu soo marnay magaalooyin kale oo aanu maayiradoodda la kulanay, waxaana ka soo qaadanay daris aqooneed oo ah inay ummad waliba iyadu wax qabsato, ummad aan iyadu dalkeedda dhisan cid kale uma dhisto, waxaanu soo baranay ummad kooga yar ilaa ka ugu weyni ay ka wadda shaqaynayaan dhismaha iyo nadaafada magaalooyinkoodda, taas oo ah wax cashar lagu qaato, waxaan mahad uga jeedinayaa dadweynaha sweden iyo dalada isku xidha oo hawshan ka shaqaynaysay”

Mar aanu waydiinay waxay u balanqaadeen iyo mashaariicda ay dalka ka fulin doonaan wuxu yidhi  “Haa mashaariic horumarineed way ka fulinayaan oo xafiiskaas ayaa kow ka ah, waxa kale oo aan u gudbinay codsi ah in qalab iyo aqoon na siiyaan, iyadoo la balanqaaday in laba iskuul oo mid farsamo yahay midna in dadka nafaada ah loo sameeyo iskuul ay sameeyaan doonaan”

“Xafiiskasi wuxuu qaban doonno dadka aqoontoodda doonaya inay dalka ku caawiyaan ee jaaliyadda ayaa ka hawlgali doonna, tusaale ahaan qofka Somaliland asal ahaan u dhashay ee sita baasaborka Sweden ee doonaya inuu halkan soo dego waxa uu ka shaqayn doonnaa mashaariicda ay wadanka ka fulin doonaan Sweden, sidda iskulkaasi la furayo raga macalinka ka noqonaya waxa mudnaanta kowaad la siin doono jaaliyadda Sweden inay halkan yimaadan oo ka shaqaystan”ayuu yidhi mar uu sharaxayey waxa uu xafiiska Sweden ka furanayso dalka uu qabanayo

“Waxaa kaloo aanu la kulanay hay’adda Sweden u qaabilsan mucaawimadda oo dhowaan iyaduna xafiis ka furan doonta Hargeysa oo badhkood shalay naga soo horeeyeen, waxaanu xafiiska Hargeysi noqon doonta xafiiskooga weyn ee Somaliland iyo Soomaaliyaba ka caawin doonaan, waxa kale oo aanu la kulanay xildhibaan u dhashay Somaliland oo baarlamaanka Sweden ku jira iyo xubin ka socota wasaaradda Arrimaha dibadda Sweden oo wasiirka Qorsheyntu uu u gudbiyey horumarka aynu doonayno iyo qorshaha horumarineed ee dalku u baahan yahay”ayuu yidhi Maayar Caydiid oo wixii u qabsoomay intii ay Sweden joogeen ka hadlayey.

Maayarka waxa safarkan ku wehelinayey wasiirka Qorsheynta Qaranka Sacad Cali Shire, Xoghayaha Dawladda hoose, maayarkii hore ee Hargeysa, Maayarkii hore ee Gabiley Khadra Xaaji Gaydh, wasiirkii hore macdangta iyo biyaha Cismaan Sheekh.

Si kastaba ha ahaatee, golaha deegaanka ee Cusub ee magaladda Hargeysa ayaa ku mashquulsan sidiii ay balantii ay qaadeen u fulin lahaayeen, isla markaana xidhiidh ula samaysan lahaayeen magaalooyinka dhigoodda ee caalamka sidii looga caawin lahaa waayo aragnimada iyo khirbada ay u leeyihiin  qurxinta magaalooyinka.



Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland