4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2013
Xukuumadda Somaliland oo sheegtay inay wado Maal-gelinta Mashaariic ay dad badan shaqooyin ka helayaan (SAWIRRO)


Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo ah Gudoomiyaha gudidda la tashiga deeqaha Somaliland, Dr:Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in 21 shirkadood haleen mashaariic ay shaqo ka helayaan lix boqol oo qof, waxaanu ugu baaqay shirkadahaasi inay shaqaalaha ay qoran doonaan ku qaataan aqoon iyo cilmi, balse aanay garasho iyo qabyaaladda ku qaadan.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in mashaariicdan loogu talogalay inay ganacsato yaryar iyo kuwo waaweynba ka faa’iidaystaan, isla markaana la kobciyo gancsatadda, isagoo xusay in wareegii hore ay maalgaliyeen ganacsato yaryar kuwaas oo shaqo u abuuray ilaa kun qof.

“Shirkadahan waaweyn waxay helayan mashaariic waaweyn oo ay ku baxayso konton ilaa boqol kun oo dollar, lacagta ay ku guulaystayna waxa waaweyi laba milyan iyo Nus dollar, waxa la rajaynayaa inay ka dhashaan maalgalintaasi shaqo abuur ah lix boqol oo shaqo”ayuu yidhi wasiir Sacad shire oo ka hadlayey lacagta ku baxaysa ganacsatadan heshay maalgalintan, waxanu intaas ku daray. “21 mashruuc ee la maalgalinaya qayb waliba way ku jirtaa, laba ka mid ahi waa Beeraha, Shan ka mid ahi waxay la xidhiidhaa xoolaha, saddex waa kalluumaysiga, mid waa xabkaha, mid waa caafimaadka, laba waa warshaddo, midina waa adeeg markaas sidaas ayey u kala qaybsan yihiin qayb walibana way ka muuqataa, waxa jirtay wareeg tan ka horaysay oo bishii March iskugu nimid oo taasi waxay ahayd tii lagu qaybinayey ganacsiga yaryar oo iyaguna helay shan kun ilaa konton kun oo dollar, waxaana ku guulaystay 59 shirkadood”

Wasiirku waxa uu sheegay in lacagta mashaariicdan ku baxaysa ay dhantahay afar milyan iyo lix boqol oo kun, waxaanu sheegay inay wali sanduuqa horumarinta Somaliland ay ku hadhsantahay  afar milyan oo dollar oo mashaariic kale oo tartan ah lagu fulin doonno.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay inay mashaariicdan ay ku deeqeen Ingiriiska iyo Denmark oo uu sheegay inay si weyn u taageeraan horumarinta Somaliland, waxa kale oo uu tilmaamay inay si cadaaladda u qaybinayso shirkad madax banaan oo la yidhaa Landell Mills, isla markaana ay fulinayaan baanga aduunku.

Sidoo kale, guddida maamula maalgashiga Somaliland ayaa sheegay inay mar kale fursad kale oo shaqo abuur iyo ganacsi iskugu jirta loogu bushaaraynayo shacabka Somaliland, isla markaana soo xaraystaan codsiyo cidii doonaysa inay ganacsigoodda loo maalgaliyo.

“Maalgashiga ganacsiga Somaliland (MGS) oo waxay bixinaysaa deeqo dhan 2.5 milyan oo dollar, oo la siinayo 21 mashruuc oo ka tirsanaa 43 codsi ee hore loo xushay. deeqahani waxay dhalinayaan abaabul maalgashi oo cusub oo gaadhaya 6.4 milyan dollar, maalgashigan wuxu abuuraya shaqooyin cusub oo ka badan lix boqol oo in ka badan saddex meelood oo meel ay noqon doonaan dumar,15% ay noqonayaan dhalinyaro, 40% deeqaha la bixiyey waxay ka hirgalayaan gobolada ka baxsan Hargeysa”ayuu yidhi Jim Duncan ku simaha maamulaha maalgalinta ee shirkadda Landell Mills, waxaanu intaas ku daray “Marka la isku soo dubo, 59% deeqaha yaryar ah iyo 51% deeqaha waaweyn oo gaadhaya $4.6 milyan dollar ayaa la bixiyey, Wadarta guud ee maalgashiga loo hayaa waxay noqonaysaa 9.5 milyan dolar (marka lagu daro deeqaha la bixiyey)”

Maamuluhu wxuu sheegay inay mashaariicdan loogutallogalay inay shaqo ka helaan inka badan kun iyo laba boqol oo qof oo reer Somaliland ah.

Si kastaba ah ahaatee mashruucan ayaa wax badan ka tari doonnaa dhalinyarada shaqo la’aanta baahsani daashaday, kuwaas oo wakhtiyadii dambe xoog ugu qulqulayey saxaraha liibiya iyo Suudaan u dhexeeya, iyagoo beegsanaya wadamadda Yurub oo ay aaminsan yihiin inay nolol tan dhaanta ka helayaan, haseyeeshee ay dhibaatooyin badan kala kulmaan qaar badana naftoodda ku waayeen.



Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland