3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2013
Xaalad adag oo soo Food saartay Qoysas Dan-yar ah oo ku Nool deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan

Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Xaalad nolal xumo ayaa soo food saartay qoysas danyar iyo barakacayaal isugu jira oo ku dhaqan degmada Jalalaqsi ee gobollka Hiiraan iyo deegaannada ku dhaw dhaw oo ay maamulaan xoogagga Al-shabaab.

Dadkan oo qaarkood la soo xiriiray warbaahinta ayaa sheegay in xaaladooda dhinaca nolasha tahay mid aad liidata maadama aysan mudo dheer helin wax garagaar ah, kadib markii ay Al-shabaab ka mamnuuceen deegaannadaas in ay ka howlgalaan hay'addaha samafalka.

Degmada Jalalaqsi ee gobollka Hiiraan ayaa waxaa ku nool boqolaal qoysas ah oo xaalado kala duwan uga soo barakacay deegaannadii ay ku noolaayeen, laakiin xiligan ka cabanaya nolal xumo ka darran tii ay markii hore ka soo barakaceen.

Mid ka mid ah shaqaallaha ka howlgala xarun caafimaad oo ku taala degmada Jalalaqsi oo aan ay HOL la hadashay ayaa sheegay in nafaqo darro ba'an soo food saartay caruurta iyo dadka waayeelka ah ee ka tirsan barakacayaasha ku nool degmada iyo deegaannada ku dhaw dhaw, isaga oo sheegay in maalin kasta la soo garsiiyo dad aad u liita oo ay adag tahay in wax badan u qabtaan madaama aysan heysan dawo iyo agab caafimaad oo ku filan.

''Walaahi dadkaas wax badan u qabanno, ma heysano dhamaan agabkii caafimaad ee aan u baahneyn, laakiin dadaal badan ayaan sameynaa, intooda badan gaar ahaan caruurta nafaqa darradu heysato waxaan siinaa wax yaabo aan is leenahay tamar ayeey ka hellayaan,'' ayuu yiri howl-wadeenka caafimaad ee la hadllay HOL.

Dadka xaalada nolal xumo la soo darista qaarkood waxaa ay mar ku tiirsanaayeen gargaar lacag ah oo ay  bil walba ay siiso hay'adda Save The Childaren xarunteeda magaalada Baladweyne, laakiin xoogagga Al-shabaab ayaa la sheegay in ay uga digeen dadka ku dhaqan deegaannada ay ka maamulaan gobollka gaar ahaan degmada Jalalaqsi lacagaha gargaarka ah oo ay ka qaataan hay'adda, tasoo sii adkeysan xaaladooda nolaleed.

Inkastoo ay adag tahay dhaq dhaqaaqa hay'addaha samafalka ay ka sameyn karaa deegaannada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab ee gobollka Hiiraan, ayeey haddana qoysaskan ka cabanaya xaaladaha nolal xumo waxaa ay dalbanayaan in gargaar lala gaaro.

Magaalada Baladweyne ayaa lagu arkayaa qaar ka mid ah dad isaga soo cararay sida ay sheegeen xaaladaha nolal xumo ee ka jira deegaannadaas iyaga oo maanka ku haya ugu yaraan gaargaar ay ka hellaan hay'addaha samafalka ka howlgala magaalada Baladweyne.

Ma jiro wax war ah oo ay saraakiisha Al-shabaab ka soo saareen cabashada ay qabaan dadka danyarta ah iyo barakacayaasha ku dhaqan deegaannada ay gacanta ku hayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya













Click here
6/10/2013 2:30 PM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xiisadaha ka taagan magaalada Kismaayo ayaa ku baaqay in dagaallada la joojiyo, lagana soo qaybgalo shirweyne ay dowladdu u qabanayso dadka ku nool Jubbooyinka.

6/10/2013 1:55 PM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) —Waftigii uu hogaaminayey Maayarka magaaladda Hargeysa, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaaladda Hargeysa, ka dib markii dhawr toddobaad safar shaqo ku maqnaayeen dalka Sweden oo ay casuumad ka heleen maayarka magaaladda Stockholm ee dalkaasi.

6/10/2013 1:44 PM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Kulan socday hal maalin oo ay soo qaban-qaabiyeen wasaaradaha shaqada iyo arimaha bulshada iyo qorshaynta qaranka ee Somaliland oo looga hadlayay sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomalialnd ayaa lagu qabtay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal.

6/10/2013 1:18 PM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Xaflad lagu maamuusayay furitaanka iyo wareejinta xafiisyo cusub oo hay’adda SAACID ka hirgelisay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay degmadaas, iyadoo munaasabaddii furitaanka xafiisyadaas ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin ka kala socotay maamulka degmada Kaaraan, madaxda hay’adda SAACID iyo marti sharaf kale.

6/10/2013 11:02 AM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xaflad sagootin ah ugu sameysay madaxtooyada Soomaaliya, danjirihii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya iyo madaxii xafiiska UNPOS, dajire Augustine Mahiga oo howshan hayay muddo saddex sano ah.

6/10/2013 9:12 AM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Ciidammo booliis ah oo loogu talo-galay ka hortagga waxyaabaha qarxa iyo badbaadinta dadka wax ku noqda qaraxyada ayaa maanta dhoolla-tus kusoo bandhigtay magaalda Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

6/10/2013 8:23 AM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo ah Gudoomiyaha gudidda la tashiga deeqaha Somaliland, Dr:Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in 21 shirkadood haleen mashaariic ay shaqo ka helayaan lix boqol oo qof, waxaanu ugu baaqay shirkadahaasi inay shaqaalaha ay qoran doonaan ku qaataan aqoon iyo cilmi, balse aanay garasho iyo qabyaaladda ku qaadan.

6/10/2013 8:21 AM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Maxkamadda degmadda Hargeysa, ayaa xukuntay Saddex qof oo Itoobiyaan ah oo lagu eedeeyey fidinta diinta Kiristaan, isla markaana laba ka mid ah xoriyadoodii loo soo celiyey, halka midna lagu xukumay laba milyan oo Shiling Somaliland iyo mustaafuris aanay dib dambe ugu soo noqon karin dalka.

6/10/2013 6:54 AM EST
Isniin, June 10, 2013(HOL) :- Xaaladda Magaalada Kismaayo ayaa ah mid dagan walow aan ilaa imika lakala qaadin ciidamadii isku horfadhiyay gudaha magaalada ee kala taabacsanaa maamulka Kismaayo iyo ciidamada daacadda u ah Iftiin Xasan Baasto oo isaguna ka mid ah masuuliyiinta sheeganeeysa hogaanka Jubbaland.

6/10/2013 3:38 AM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhaweeyey go’aankii ururka Midowga ee ahaa inay dib uga mid noqoto Soomaaliya saxiixayaasha heshiiskii Cotonou.