3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2013
Maxkamadda Degmada Hargeysa oo Go'aan ka Gaartay Saddex Qof oo lagu eedeeyey inay faafinayeen Diinta Kiristaanka

Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Maxkamadda degmadda Hargeysa, ayaa xukuntay Saddex qof oo Itoobiyaan ah oo lagu eedeeyey fidinta diinta Kiristaan, isla markaana laba ka mid ah xoriyadoodii loo soo celiyey, halka midna lagu xukumay laba milyan oo Shiling Somaliland iyo mustaafuris aanay dib dambe ugu soo noqon karin dalka.

Gudoomiyaha Degmadda magaladda Hargeysa, Garsoore Cabdiraxmaan Maxamed Mawliid, oo  xukunka ka dib wax ka waydiinay kiiska saddexdan qof ee lagu eedeeyey fidinta diinta Kiristaanka ayaa sheegay in saddaxdan qof lagu soo eedeeyey fidin diinta kiristaan, haseyeeshee hal qof ku cadaatay dambigaasi, halka laba qofna xoriyadoodii loo soo celiyey.

“Saddexdan qof waxa lagu eedeeyey fidinta diinta kiristaanka, waxaana la soo bandhigya markhaatiyo iyo cajalado, haseyeeshee eedaysanaha koowaad ayaa lagu helay dambigaasi, waxaana ku xukunay laba milyan oo lacag ah iyo mustaafuris, hadii ay bixin waydana waxa loogu bedelayaa xadhig”ayuu yidhi Garsoore Cabdiraxmaan Maxamed gudoomiyaha degmadda Hargeysa oo u waramayey HOL.

Sidoo kale, xeer ilaaliyaha degmadda Hargeysa, Cabdiraxmaan  Maxamed Maxamuud oo isagu dacwadan ku soo oogay eedeysanayaashan ayaa sheegay in laba dumar ah iyo nin ay ahaayeen, waxaase maxkamaddu xoriyadoodi usoo celisay laba qof halka eedeysanihii kowaad ku heshay dambiga, isla markaana lagu xukumay laba milyan iyo  in laga mustaafuriyo dalka.

“Eedaysanaashu waxay ahaayeen saddex qof, laba xoriyadoodii baa loo celiyey eedaysanaha kowaad ee gabadha ahayd waxa lagu xukumay mastaafuris iyo laba milyan oo ganaax, ka dib markii dambiga lagu helay”ayuu yidhi xeer ilaaliyaha dacwadan ku soo oogay.

Xeer ilaaliye Cabdiraxmaan Suulcayn wuxuu sheegay inay soo bandhigeen afar marag oo markhaati ah oo cadaynaya dambiga ay faraha kula jireen iyo 33 cajaladood oo iskugu jira kuwo CD ah iyo cajaladdo caadi ah oo iskugu jiray kuwo soomaali ah, Ingiriisi iyo Af Xabashi.

Sidoo kale waxa iyaguna goobjoog ka ahaa maxkamadda xubno ka socda Safaaradda Itoobiya iyo jaaliyadda Itoobiya ka joogta magaaladda Hargeysa, waxa kale oo goob joog ku ahaa guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland, haseyeeshee xeer ilaalinta oo aan wax ka waydiiyey in mudaddii ay dacwaddo socotay la soo faro galiyey iyo in kale, ayaa sheegay in aanay jirin  cid soo farogalisay, isla markaana ay dacwadu ahayd mid madax banaan oo dadkuna ka soo qaybgalayeen dhagaysigeedda.

Si kastaba ha ahaatee, Dastuurka Somaliland qodobkiisa shanaad, faqradiisa kowaad, ayaa odhanaya  Diin aan Diinta islaamka ahayn laguma faafin karo gayiga Somaliland waana xaaraan, sidoo kale  qodobka ciqaabta guud ee 314 ayaa dhigaya in lagu xukumo laba sannno oo xadhig ah, sidoo kale  Aayadda 33aad ee Suuratul Maa’id ee Quraanka kariimka ah ayaa iyaduna tilmaamaysa mustaafurinta qofka ku kaca fasahaadinta diinta islaamka, sidaa darteed isagoo garsooruhu adeegsanaya qodobadda dastuurka iyo Aayadda Quraanka waxa uu ku xukumay laba milyan oo dollar oo u dhiganta laba sanno oo xadhig ah iyo mustaafurin aanay waligeed kusoo noqon Karin dalka, haddii ay lacagtaasi bixin waydana waxa loogu bedelaya xadhiga, haseyeeshee ma jiro qodob si toos ah u tilmaamay in qofka caynkan oo kale  u dhaqma wixii lagu xukumi lahaaa, sida darteedna waxa uu xeer ilaaliyuhu sheegay in aanay illaa xeerarkii hore ee Soomaaliya jirin qodob qabanaya qofka ku kaca fidinta Diinta aan ahayn diinta islaamka, haseyeeshee barigii hore la mustaafurin jirin iyadoo aan la soo marin maxkamadda, waxaanu tilmaamay inay tahay markii ugu horaysay ee qof diin kiristaan fidinaya la xukumo maxkamaddana la hor keenno guud ahaan Soomaaliya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.













Click here
6/10/2013 2:30 PM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xiisadaha ka taagan magaalada Kismaayo ayaa ku baaqay in dagaallada la joojiyo, lagana soo qaybgalo shirweyne ay dowladdu u qabanayso dadka ku nool Jubbooyinka.

6/10/2013 1:55 PM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) —Waftigii uu hogaaminayey Maayarka magaaladda Hargeysa, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaaladda Hargeysa, ka dib markii dhawr toddobaad safar shaqo ku maqnaayeen dalka Sweden oo ay casuumad ka heleen maayarka magaaladda Stockholm ee dalkaasi.

6/10/2013 1:44 PM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Kulan socday hal maalin oo ay soo qaban-qaabiyeen wasaaradaha shaqada iyo arimaha bulshada iyo qorshaynta qaranka ee Somaliland oo looga hadlayay sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomalialnd ayaa lagu qabtay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal.

6/10/2013 1:18 PM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Xaflad lagu maamuusayay furitaanka iyo wareejinta xafiisyo cusub oo hay’adda SAACID ka hirgelisay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay degmadaas, iyadoo munaasabaddii furitaanka xafiisyadaas ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin ka kala socotay maamulka degmada Kaaraan, madaxda hay’adda SAACID iyo marti sharaf kale.

6/10/2013 11:02 AM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xaflad sagootin ah ugu sameysay madaxtooyada Soomaaliya, danjirihii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya iyo madaxii xafiiska UNPOS, dajire Augustine Mahiga oo howshan hayay muddo saddex sano ah.

6/10/2013 9:12 AM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Ciidammo booliis ah oo loogu talo-galay ka hortagga waxyaabaha qarxa iyo badbaadinta dadka wax ku noqda qaraxyada ayaa maanta dhoolla-tus kusoo bandhigtay magaalda Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

6/10/2013 8:23 AM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo ah Gudoomiyaha gudidda la tashiga deeqaha Somaliland, Dr:Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in 21 shirkadood haleen mashaariic ay shaqo ka helayaan lix boqol oo qof, waxaanu ugu baaqay shirkadahaasi inay shaqaalaha ay qoran doonaan ku qaataan aqoon iyo cilmi, balse aanay garasho iyo qabyaaladda ku qaadan.

6/10/2013 8:22 AM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Xaalad nolal xumo ayaa soo food saartay qoysas danyar iyo barakacayaal isugu jira oo ku dhaqan degmada Jalalaqsi ee gobollka Hiiraan iyo deegaannada ku dhaw dhaw oo ay maamulaan xoogagga Al-shabaab.

6/10/2013 6:54 AM EST
Isniin, June 10, 2013(HOL) :- Xaaladda Magaalada Kismaayo ayaa ah mid dagan walow aan ilaa imika lakala qaadin ciidamadii isku horfadhiyay gudaha magaalada ee kala taabacsanaa maamulka Kismaayo iyo ciidamada daacadda u ah Iftiin Xasan Baasto oo isaguna ka mid ah masuuliyiinta sheeganeeysa hogaanka Jubbaland.

6/10/2013 3:38 AM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhaweeyey go’aankii ururka Midowga ee ahaa inay dib uga mid noqoto Soomaaliya saxiixayaasha heshiiskii Cotonou.