4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2013
Boqor C/llaahi Boqor Muuse oo gellinkii dambe ee Maanta lagu Aasay bariga Magaalada Qardho ee Puntland (SAWIRRO)


Axad, July 07, 2013 (HOL) — Allaha u naxariistee waxaa maanta lagu aasay Bariga magaalada Qardho marxuum Boqor C/llaahi Boqor Muuse King-Kong oo bishii hore ku geeriyooday xarunta dalka Finland, kaddib markii uu halkaa ku xanuunsaa muddo bilooyin ah.

Aaska boqorka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madax ka socotay dowladda Soomaaliya, Puntland, Somaliland, Itoobiya, ismaamulka Somalia Itoobiya, cuqaal, waxgarad iyo dadweyne  kale oo dalka dibaddiisa iyo gudiisa isaga kala yimid.

Boqorka ayaa lagu aasay qubuuro lagu magacaabo Xorgoble, waxaana ka jeediyay halkaas hadallo kala duwan mas’uuliyiintii iyo waxgaradkii ka qayb-galay aaskiisa, iyagoo sheegay inuu ahaa nin Soomaalinimadu aad ugu weyn tahay.

“Waxaa marxuumka la aasay saacaddu markii ay ahayd 2:00, iyadoo hadallo ay ka jeediyeen mas’uuliyiin kala duwan, intii aasku socdayna waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada Qardho,” ayuu yiri wariyeha HOL ee Puntland Maxamed Aadan Xaaji Dirir oo ku sugnaa goobta uu aasku ka dhacay.

Sidoo kale, wariyuhu wuxuu sheegay in magaalada Qardho ay tan iyo xalay ahayd goob aad u mashquul badan oo ay kusoo qulqulayeen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Sheekh Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha Jubbaland iyo wufuud ka socotay dowladda Soomaaliya iyo Puntland.

Maydka marxuumka ayaa lasoo marsiiyay Muqdisho intii aan loo duulin magaalada Qardho oo lagu aasay, waxaana salaaddii janaasada kula tukaday garoonka diyaaradaha Muqdihso madaxd Soomaalida oo ay ku mid ahaayeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Boqor C/llaahi Boqor Muuse ayaa bishii hore dhammaadkeeda ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Helsink ee xarunta dalka Filand, iyadoo maanta ay noqotay maalintii la dhigay iilka aakhiro.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya